Dalacaad Sare oo la Siiyey Xubno ka Tirsan Booliska Degaanka Somalida

 

Jijiga, Mar 14, 2012 [ras] – Waa markii ugu horaysay taariikhda degaanka Somalida Ethiopia [Ogaden], oo ay xubno ka tirsan ciidanka booliska degaanka Somalidu helaan darajada Janaraal.
Taliyaha guud ciidamada Booliska degaanka Somalida Ethiopia, Yuusuf Maxamed Muuse [Jalaale]  iyo taliyaha guud ee ciidanka cusub ee Booliska [Liyu] Cabdi aadan ayaa la siiyey darajada Janaraal.

War aan ka helay xarunta dhexe ee taliska booliska Jijiga, ayaa sheegaya in dalacaada labadan taliye ay timid, ka dib kolkii ay soo dhamaysteen tababar ciidan oo in mudo ah ku qaadanyeen Ethiopian Police College, oo ka mid ah kuliyadaha ugu sareeya ciidanka Ethiopia, kuna taal Sendafa oo 38 Km waqooyi ka xigta Addis Ababa.

Yuusuf Maxamed Muuse iyo Cabdi Aadan, ayaa ah labo nin oo masuuliyada u guta si waafaqasan sharciga, sumacad wanaagsana ku dhexe leh guud ahaan degaanka Somalida Ethiopia iyo ciidanka dhexdiisaba.

Dadweynaha degaanka Somalida ayaa aad u soo dhaweeyey talacaada la siiyey labadan taliye oo runtii mudan in ay helaan darajada Janan.

Waxaa si xoog leh isu soo taraya tababraka dhinaca sharciga ah ee la siinayo ciidamada booliska. Dhawaan ayey ahayd kolkii ay dhamaysteen tababar dhinaca sharciga ah ciidamada Booliska ee ka hawlgala degmooyinka Godey, Qabridahare iyo Dhagaxbuur.

Dadweynaha Degaanka Somalida Ethiopia ayaa aad ugu ooman in la hawl galiyo ciidamo boolis ah oo sharciga yaqaan iyo garyaqaano ku dhaqa sharciga degaanka Somalida Ethiopia.

Sharciga laggaga dhaqamo degaanka Somalida ayaa hada ka hore ahaa sharciga dambiyada [criminal law], laakiin waxaa maqanaa sharciga dadweynaha [civil law].

Tan iyo boqortooyadii Ethiopia Somalidu waxay ka mid ahaan jirtay noocyada kala duwan ee ciidamada, nasiib daro ogaantanana ma jiraan ruux Somali ah oo gaadhay darajada Janan.


rasaasa.com