Dagaalo Kulul oo Laga Soo Sheegayo Abaaqorow

 

Jabhada Xoreynta Somali Galbeed [JXSG] oo sheegtay in ay dagaalo kula gashay shalay ciidamada Itobiya ee jooga gabalka Godey, dhulka Somalida Ogadeeniya

Abaaqorow – [August 14, 2009] – Warar aanu ka heleyno Degaanka Abaaqorow, oo ka tirsan gabalka Godey ee dhulka Somalida Ogadenya, ayaa sheegaya in uu shalay galab halkaas ka dhacay dagaal kulul.

Sargaal magaciisa ka gaabsaday in uu sheego oo ka tirsan ciidanka Jabhadda Xoreynta Somali Galbeed oo e-mail nagula soo xidhiidhay isaga oo jooga meel ka tirsan xadka dalka Somaliya ayaa sheegtay in ciidankooda ay dagaalka shalay ku lug lahaayeen.

Sargaalkan ayaa sheegtay in ay gacanta ku hayaan warqado cadeyn ah oo uu watay sargaalka ciidanka dawladda hogaaminayey oo sida uu sheegay ay dagaalkaas ku dileen.

Ma jiraan warar madax-banaan oo xajinaya khasaaraha labada dhinac ee dagaalkan.

Maalmahan danbe ayaa waxaa kordhay dagaalada u dhaxeeya ciidanka dawladda iyo kuwa xoogga Jabhadaha Jwxo & JXSG ee gabalka Somalida Ogadenya
Xigasho Wabishabeele