Dagaal Xoogan Ayaa ka Dhacay Meel u Dhaxaysa Mayggaagle iyo Soo-ljoogto oo ka Tirsan Degmada Buuhoodle.

 

Buuhoodle, Feb 8, 2012, [ras] – Dagaal xoogan ayaa oo saaka bilowday ayaa wali ka socda degaanka Mayggaagle iyo Sool-joogto, dagaalkaas oo u dhaxeeya labada maamul gabaleed ee Somaliya  Khaatumo State iyo Somaliland State.

Labada dhinac ayaa midba midka kale ku eedeeyey in ay lahaayeen weerarka saaka bilowday walina socda.

Wararku waxay sheegayaan in ciidamada maamulka Somaliland loo awood sheegtay lagana qabtay maxaabiis ay tiradoodu gaadhayso 6 maxbuus iyo labo baabuur oo tikniko.

Ciidamada maamulka Somaliland ayaa laga saaray saldhigyadii ay ka soo duuleen sida uu sheegay afhayeen ciidamada maamulka Khaatumo State.

Taliyaha ciidanka Somaliland ayaa dhiniciisa qiray in 12 laga dhaawacay labona laga dilay, waxaana uu yidhi “war kale oo dheerad ahna haatan ma sheegi karin maadaama uu dagaalku socdo.”

Dhinaca kale madaxweynaha maamulka Puntland ayaa eedayn kulul u jeediyey maamulka Somaliland State, isaga oo ku eedeeyey in ay waxyeelaynayaan caruur iyo maati.

Waxaa kale oo uu eedeeyey siyaasiyiinta ka soo jeeda maamulka khaatumo isaga oo sheegay in ay rabaan in ay kala goynta degaanada Puntland.

 

rasasa.com