Dagaal Gali oo Dab Soo Sii oo Kolkii Dil yimaado soo Diid, Dayuus Dabcigiisa Weeyaan!

 

“Woow” Da,a yartii ubadkeena [ogaden] dagaal bay galiyeen, kolkii uu dil yimaadayna la dafiryoo iska diidee daalimiintii dibad joogtay ee Daa,imow kala reeb, Rabi yaa duljalaali.

Tix gabay ah oo ay qiiradu iga keentay kolkii aan daawaday wiilasha dagaalka lagu qabtay iyo warbixinta ay ka sheekaynayaan. Waxaan aad uga xunahay dhimashada bilaashka ah ee wiilal yar yar oo reer miyi ah oo aan waxba galabsan lagu sameeyey. Dadka arinta sameeyey waa dad ay caruurtoodu dibadaha u joogto oo ay nolol iyo wabarshoba ku haystaan.

Waxaan jeclaan lahayn in dadka waxgaradka ah ee u dhashay gabalada wiilashan laga soo afduubay in ay arinta galaan ayna raadiyaan dadkii ka dambeeyey in la geeyo Eritrea.

cajalada wiilasha maxaabiista ah gadaal baanu ka soo dayn doonaa

Tixda Gabayga ah

Ogaadeen Absame waakan oo eedyey eraygiiye [ONLF],
Eritrea iyo “O” Oodaa dishoo way kala ordaayaane,
Ubadkii u soo kici lahaa way wada idleeyeen,
In yar noqoyey reerkii badnaa oo waynu aragnaaye,

Aqli-gaab in uu yahay la sheeg iyo Oday ka sheekeeye
Eedaa dhextaal “E” iiyaday ood u gurayaan, [Eritrea iyo Ethiopia]
Ku adeegtee maantay rabeen waadna argtaane
Oday taliya iyo Aqiladi diide eraygoode
Awoowgood la naar way jabeen waaban Ogayne
Admiraalka  iyo Eritrea eeday ehelkiiye
Absamow u kaca reerka waad wada arkaysaane

Uubatayn cidla ah bay hayaan maalin idilkeede
Arligaba in la leeyahay waa iskaba mooge
Jijigaa aduunkuba dhexyaal waaban la ogayne
Afaafyada Shiniiliyo [shinile] halkaa uu Iise ka adeegto
Liibaan Adooliyo Nageey ilaha dhaamoole
Afdheertaba in aydaan lahayn idin ogaysiiyey

Somali idilkeedba way kala ordaysaa
Waadna wada arkaysaan Ato bay Aabo leedahay
Amarbaa ku dhacay reerka iyo Oday Ogadeen
Astaqfurul dhaha oo arlada nabad ku soo ooda

Inkastoos af reer xamar bartoosana erayga keenaynin
war waa in adeerkiin midkaad eegga wadataanee
Injineerka yuu eebahay eega soo diray
Abshiraysta oo wada aqbala waynu aragnaaye

Abdi ururshee wiilkaad dhaheen waad wada ajiibteene
Aduunka oo idilana waad ka af dhabayseen
Madaxweyne eeggaad hesheen kaad abid sugayseene
Abshiraysta oo wada aqbala waynu aragnaayee

Ina Dacay iblaysbuu noqday iyo agabyo shaydaanee
Idin iibsay oo waysagaa ooda noo rogaye
Ubadkeeni buu uub ku guray ood wada arkaysaane
Ingriis ag joog dhaha walaan lagu iloobayne

rasaass.com