Dagaal Maanta ka Dhacay Qansaxle

 

Jijiga, Mar 2, 2012 [ras] – Dagaal ay isku fara saareen labo maleeshiyo beeleed ayaa maanta ka dhacay Qansaxle oo qiyaastii u jirta 35km degmada Raaso oo ka tirsan gabalka Afdheer ee degaanka Somalida Ethiopia.

Maleeshiyada labada beelood ayaa maalmahanba ku dagaalamayey meelo aan ka fogay degmada Raaso, waxaana ku dhintay inta la ogyahay dad ka badan 70 ruux iyo dhaawac 120 ruux ah.

Dagaalkan maanta ka dhacay Qansaxle ayaan wali la helin khasaaraha ka dhashay, waxaase u gurmaday ciidamada Booliska.

Ciidamada Booliska ee degaanka Somalida Ethiopia ayaa la tacaalaya sidii ay u qaboojin lahaayeen maleeshiyada labada beelood ee dagaalku u dhaxeeyo.

Sida ay wararku sheegayaan  dagaalka labada beelood ayaa kolba meel hor leh ka bilaabanayo. Ciidamada Booliska ayaa xidh xidhay dad badan oo la qabtay iyaga oo ku jira dagaal.

rasaasa.com