Dadbay Meeli Buktaa

 

Mahad oo dhan waxay u sugnaatay Ilaahay swt naxariis iyo nabad galyana ha ahaato nabi Muxamed csw dushiisa. Intaa kadib waxaa iyana mahad gooni ah leh bahda saxaafada madaxa banaan ee wax ka qorta gobalka oo iyagu noo suuragaliyay inaan afkaartanada oo iska soo horjeeda ku wada dhiibano mareegahooda isla markaana shacabka reer Ogadenya ka haqab tira baahida wararka dhulkoodii hooyo. Intaas kadib:

Tan iyo intii ilaahay aduunka abuuray mudo haatan laga joogo waqti aad u fog, waxaa sunada rabbaaaniga ka mid ahayd inay jiraan dad wanaagu u dhadhamin had iyo jeerna isku daya inay minjo xaabiyaan. Dadkaas danahoodu waa kala duwan yahiin. Qaarbaa xaqa iyo wanaaga ku diida hebel ama guruub hebel ood iska soo horjeedaan ayaa wada, kuwa kalana danahooda ayayna ka dhex arkin.

Hadaba aan kusoo dhowaado mowduucee tan iyo intii ay neecawda nabadeed ka curatay gayiga Soomaaligalbeed/Ogaden dadkuna ay muujiyeen rajo wanaagsan oo ku saabsan in mar uun nabad iyo hurumar ka hana qaado gabalkan qayrkii ka haray ee colaadaha macna darada ahi ragaadiyeen, waxaa ayagu tacsi u fadhiyay kooxo asal ahaan kasoo jeeda gobalka balse aan maslaxada dalka iyo dadka midna wadin. Dadkaa wanaaga diidan isaga sheekayn mayno mowqifka ay ka istaageen wadahadalada nabadeed ee dhex maray xukuumada Addis-Ebaba iyo laba jabhadood oo ka mid ah kuwii aadka uga soo horjeeday waa UWSLF iyo ONLF garabka golaha sare.
Tixdan gaaban oon oogu magac daray dadbay meeli bugtaa ayaan ka iri kooxdan iyadu dantooda ka dhex arkay dhibaatada shacabka oo sii socota. Waxaan ka cudur daaranayaa inaana ahayn abwaan iyo afmaaltoona, balse markaan arkay suugaanyahanadii gobalka kasoo jeeday oo iyagu aan hal eray ka oran isbadalkan cusub ee ka hanaqaadaya Soomaaligalbeed/Ogaden ayaan istusay bal inaan afar eray oo suugaan u eg oo iyagaba sida aan kusoo uruuriyay ilaahay xaalkeeda ogyahay soo gudbiyo si aan u xusuusiyo in kaalintoodii banaantahay.

Dad bay meeli bugtaa, bugtaa dad bay meeli bugtaa
Dadaalka nabada miyay ka bukaan?
Dalkoo la badbaadsho miyay ka bukaan?
Danteena aan garano miyay ka bukaan?
Dulmigu ha dhamaado miyay ka bukaan?
Daruurahan hoori miyay ka bukaan?
Dariskoon na dilaalin miyay ka bukaan? [ka ganacsiga dadkayga ee Somaliland iyo Puntland]
Dib u noqosho baahsan miyay ka bukaan?
Dabaqyo aan dhisano miyay ka bukaan?
Dunida aan gaadhno miyay ka bukaan?
Dalaga aan qodano miyay ka bukaan?
Duunyada aan dhaqano miyay ka bukaan?
Diinteena aan barano miyay ka bukaan?
Dacwada aan fidino miyay ka bukaan?
Dumarku ha xijaabto miyay ka bukaan?
Daryeelka agoonta miyay ka bukaan?
Dadkoo wada ceesha miyay ka bukaan?
Dagaalku ha dhamaado miyay ka bukaan?
Daadinta dhiiga joogsan miyay ka bukaan?
Duqaydoon la dhafoorin miyay ka bukaan?
Doolloon laysku dilaynin miyay ka bukaan?
Dugsiyo aan furano miyay ka bukaan?
Da’yartu wax ha barato miyay ka bukaan?
Diktoora ha noqdaanta miyay ka bukaan?
Dowlad yar aan noqono miyay ka bukaan?

Sahal I. Caynte
Sahal1948@yahoo.com

Ra,ayiga Qoraalku wuxuu gaar u yahay Qoraaga