Dada Badan oo Somali ah Ayaa ku Xidhan Xabsiyada Ku Yaal Addis Ababa

 

Addis Ababa – Itobiya [May 27, 2009] – Wararka ka imaanaya magaalada Addis Ababa ayaa sheegaya in dadka Soomaalida ah ee ku nool halkaas ay soo wajahday cabsi xooggan ka dib kolkii uu batay xadhiga gardarada ah ee loo gaysanayo dadka Shacabka ah.

Tirada dadka Soomaalida ah ee bishan un Addis Ababa lagu xidhay ayaa gaadhaya boqolaal, kuwaas oo isugu jirra kuwo u dhashay Somalida Ogadeeniya iyo kuwo ka tagay dalka Soomaaliya iyaga oo dhammaan ay ku wada xidhan yihiin sharci darro isla markaana laga buuxiyo Xabsiyada magaalada Addis Ababa.

Dadkaas qaar ayaa markii uu Ilaahay Xabsiga ka siidaayay isaka baxay dalkaas halka qaar kalena ay iskaga tageen uun magaalada oo ay u guureen magaalooyin kale oo xogaa dhaanta dhanka xadhiga magaalada Addis Ababa.

Si kastaba ha ahaatee dadka ku dhaqan Addis Ababa ayaa sheegaya in cadaadiska ka jira magaaladaasi uu maalinba walba ka sii daro waxaana hadda loo malaynayaa in ay arintu la xidhiidho doorashadii dalka Itoobiya oo soo dhow, taas oo taliska Tigreegu aad uga cabsi qabo in ay ka dhashaan qalalaase.

Arimaha Siyaasada
rasaas.com