Dad Kenyan ah oo u Qaxay Ethiopia

 

Nairobi, Feb 9, 2012 [ras] – Tobanaan kun oo Kenyan ah oo ka cararaya dagaal ka dhex dhacay labada beelood ee Borena iyo Gabra ayaa ka talaabay xadka dalka Ethiopia.

Warkan oo laga soo xigtay xafiiska isku duwida arimaha gargaarka ee UN-ta OCHA, ayaa sheegtay in colaadani ay guryahoodii ka carareen dad aad u badan, kuwaas la dhibaataysan cimilo adag oo xaaladooda sii xumaysay.

Dagaalankan ka dhex socda labada beelood ee wada dega ayaa ku salaysan asal, shaqaalaha gargaarka ayaa u qaybinaya gargaar la soo gaadhsiiyey, dad lagu qiyaasay 20,000 oo ruux oo ka cararay Kenya, galayna Ethiopia.

Kooxo Kenyaan ayaa qaxootinimo ku galay Ethiopia todobaadyadii ina dhaafay, kolkii uu dagaalku ka dhex dhacay beelahan sida ay sheegtay OCHA.

Hayyada OCHA, ayaa u dirtay cuno ku filaan 15,000 ruux mudo 15 maalmood ah iyo waxyaabo kalen oo aan cuno ahayn sida dhar iyo weelal ku filaan kara 3,000 ruux.

Colaadan ayaa sii biirinaysa abaar ka jirtay degaanada ay colaaduhu ka dhaceen.

rasaasa.com