Dabley Dilal ka Fulinayey Kenya oo la Qabtay

 

Dabley ku talo gashanayd in ay ku dilaan Nairobi muwaadidiin reer Kenya ah ayay Boolisku gacanta ku dhigeen iyaga iyo hubkii ay wateenba.

Laba xubnood oo ka tirsan kooxda Jwxo-shiil, ayey ciidanka booliska Kenya ka qabteen duleedka magaalada Nairobi iyaga oo wata qoryo la fur furay, bastoolado iyo rasaas.

Dableyda ayaa la rumaysan yahay in ay ka soo duuleen magaalada Garrisa. Dableyda ayaa laguna keenay duleedka Nairobi baabuur Landuruuser ah oo khaas ah oo ay boolisku ku raad joogaan.

Dableyda ayaa doonayey in ay galaan Nairobi xili habeen ah waxayna la balansanaayeen xubno kooxda ah oo jooga Nairobi, kuwaas oo la socday dilalka ay kooxdu doonayso in ay ka fulis caasimada Kenya.

Dawlada Kenya ayaa dhawaan ku baraarugtay in ay dalkeeda joogaan dabley ka soo carartay Ethiopia, kuwaas oo dilal ka gaystay magaalooyin Kenya ah.

Warar hoose ayaa sheegaya in safaarada Eritrea ee Nairobi ay lug weyn ku leedahayd arimaha dilalka ah ee dableyda Ethiopia ay ka samaynayso Kenya.

Booliska Kenya ayaa baadhid ku haya dableyda la qabtay, waxayna caawa fiidkii boolisku ka qabteen Nairobi 4 ruux, oo ay sheegeen dableydu.

Dhawaan ayaa boggaga Internet-ka lagu daabacay magacyo dad ay kooxda Jwxo-shiil, amartay in la dilo, dadkaas oo badankoodu jooga magaalada Nairobi.

rasaasa.com