Dabley Dalxiisayaal ku Dishay Dalka Ethiopia

 

Addis Ababa, January 18, 2012 [ras] – TV-ga Ethiopia ayaa baahiyey caawa in dabley aan la garanayn ay ku dileen 5 dalxiisayaal ah waqooyi bari Ethiopia ee degaanka Canfarta.

Dalxiisayaalka Ajnabiga oo aan wali si dhakhso ah dhalashooyinkooda loo garan, ayaa lagu dilay Isniintii degaan fog oo xad la leh dalka Eritrea, warka ayaa laga soo xigtay Telefiishinka Ethiopia.

Warku wuxuu intaas ku darayaa in qaar ka mid ah Ajnabiga ay dhaawac yihiin laguna dawaynayo Istbitaalka dawlada ee ciidanka ee gabalka Canfarata, laakiin lama sheegin xaaladoodu sida ay tahay.

Waxaa la xaqiiyey in dadka dhintay ay ku jiraan dad Jarmal ah, laakiin wali lama hubo in dhamaantood ay Jarmal yihiin, magacyadooda iyo in cid kale weheliso.

Wararku waxay intaas ku darayaan in ay jiraan qaar maqan oo ka mid dalxiisayaasha.

Degaanka Canfarta oo loo malaynay in uu ka mid yahay degaanka ugu kulu aduunka iyo waxayaabo kale oo joqraafi aahaan aad xiisa u leh ayaa waxaa sanad walba yimaada dalxiisayaal iyo dadka wax baadha.

Rasaasa.com