Dab Xoog Leh oo Gilgilay Jijiga

 

Jijiga, Feb 9, 2012 [ras] – Wararka laga helayo magaalad Jijiga ayaa sheegaya in saaka 11:30 barqinimo uu dab ka kacay suuqa ugu weyn magaalad Jijiga ee loo yaqaan Taiwan.

Dabkan ayaa la sheegay in uu ka dhashay khalad koronto oo dhaliyay qarax, kaas oo abuuray olal gaadhay xadhkaha korantada ee dukaamo ku yaal Suuqa.

Ciidamada Booliska iyo dawlada hoose ee magaalda Jijiga ayaa u soo gurmaday dabka oo ku guulaystay in ay damiyaan.

Dabka ayaa dhaliyey khasaare maal iyo dhaawacyo soo gaadhay ciidanka booliska ee daminayey.

Wali Boolisku ma soo saarin warbixin buuxda oo ku saabstan sida dabku u dhashay iyo khasaaraha uu keenay dad iyo maalba.

rasaasa.com