Culimo Nairobi Baaq Nabadeed ka Soo Saartay

 

Nairobi, Mar 6, 2012 [ras] – Culimo u dhalatay degaanka Somalida Ethiopia ayaa maanta baaq nabadeed ka soo saaray magaalada Nairobi, iyaga oo ugu baaqay beelaha dagaalku u dhaxeeyo ay joojiyaan dagaalka, Eebana ka cabsadaan.

Dagaal beeleed ayaa mudo todobaad ka socday degaano u dhaw degmada Raaso, dagaalkaas oo ay ku dhinteed dad badan kuna dhaawacmeen dad ka badan inta dhimatay.

Culimada ayaa baaqooda ku sheegay in beesha uu dawaalku ka dhax socdo ay ahayd beel diimeed oo neceb dhibaatada iyo waxyeelada, waana nasiib daro in dadkii diinta Eebe lagu cisayn jiray ay dagaal iyo colaad dhiig muslin ah huriyaan.

Waxay culimadu ka codsatay in labada dhinac si deg deg ah u joojiyaan dagaalada iyo colaada aan qiimaha lahayn ee beesha u dhaxeeya.

Dawlada degaanka Somalida ayaa markii dagaalku dhacayba ciidamo u dirtay degaanka dagaaladu ka dhaceen. Laakiin waxaa wali la sheegayaa in dagaalku uu kolba meel miyi ah ka dhacayo.

Baaqan baaq la mid ah ayaa waxaa magaalada Muqdisho ka soo saaray wax garadka beesha Sheekhaal loobogay, oo ka codsaday beelaha in ay dagaalka joojiyaan.

Deegaanka Somalida Ethiopia, mar marka qaarkood waxay dagaalo yar yar ka dhex dhacaan dadka reer guuraaga ah, waxaana xakamaysa dawlada degaanka Somalida iyo ciidamada dawlada dhexe.

 

rasaasa.com