Col ku Dhac Tuugna Kuu Ciidan [xasuuqii SNM ee tuulada Seemaal]

 

London, December 7, 2011 [ras] – Wararka ka imanaya degmada Baki ee dawlada gabaleedka Awdal State, ayaa sheegaya  in rag ka tirsan ciidamada milatariga ee maamulka SNM, ay si gaadmo ah ku gawraceen tulaada Seemaal oo ka tirsan degmada Baki saddex ruux. Waxayna oo ay tuulada ka af duubeen dad kale oo aan wali tiradooda la sheegin io waliba meesha la geeyey.

Sedexda ruux ee la dilay, ayaa la sheegay in magacyadooda la kala yidhaahdo;

Dayib Maal Axmed Iyo wiil uu dhalay oo la yidhaa
Cumar Dayib Maal Axmed, halka  ninka sedexaadna la yidhi waa
Ismaaciil Maxamuud Caateeye (Af-madhan Diid),

Marxuuminta ayaa shalay lagu aasay tuulada lagu dilay ee Seemaal. Raga la dilay ayaa dhamaan sida la sheegay ka soo jeeda beesha degmada Dila.

Waraka la xidhiidha dilka waxshimada ah ee ka dhacay tuulada Semaal, ayaa sheegay in ay ciidamadu yimaadeen tuulada 5tii aroornimo. Sida lasheegay waxay daqiiqdo kadib rasaas ku fureen meel makhaayad ah oo rag badan hurday, halkaana ay ku dileen dadka dhintay. Tirada dadka la afduubay iyo inta fixadka ku maqan, ayaan weli la xaqiijin.

Qorshaha iyo abaabulka dilkan maanta dhacay, ayaa la sheegay in ay ka dambeeyaan dambiileyaasha kala ah;

Nuux Taani            [Taliyaha Ciidamada SNM]
Abiib Timacad        [La taliyaha Siyaasada Siiraanyo]
Muuse Biixi Cabdi   [Gudoomiyaha Jamhada SNM]

Ciidamada dilka gaystay ayaa  xidhnaa dharka askarta Jamhada SNM, baabuurtoodana ay ku dheganayd taargada maamulka Hargaysa.

Waxaa la magac dhabay Sedex ka mid ciidamada dadka laayey,  oo la sheegay in ay soo ilaaleeyeen ka hor inta aan dilku dhicin. Magacyadan afarta nin ee hoos ku qoran ayaa la sheegay in ay wax ka ka gaysteen dilal laba sano hore ka dhacay iyo kan imika.

Marxuum   Cali Aw Cumar Barre,
Marxuum   Mawliid Xassan Cumar,
Marxuum   Daa’uud Xaashi Jaamac
Marxuum   Cali Maxamuud Nuur (Bagaashle)

Dilka dhacay sanooyin ka hor ayaa ahaa mid kan ka fool xun, oo kolkii dadka la dilay hilibkooda jawaano lagu soo diray dabadeedna qoysaskooda la hor dhigay.

Dhacdadan Seemaal ayaa aad u kicisay niyada dadka ka soo jeeda beesha Gadabuursi dibad iyo gudaba, waxaana la filayaa in maamulka SNM uu iskaga guuri doono degmooyinka beeshan maadaama ay samaysatay maamul u gooni ah.

Waxaan marnaba quluubta dadka reer Awdal State ka go’ayn dilalkii qorshaysan ee hore loogu gaystay hal doorka umada kuwaas oo kala ahaa;

Marxuum Cali Farax Sayax                                [Siyaasi & Ganacsade]
Marxuum Maxamed Cabdi Dhimbil Galbeedi         [Siyaasi]
Marxuum Cawaale Bustaale                              [General]
Marxuum Cadayste                                          [General]
Marxuum Dhido                                               [Ganacsade]
Mrxuum Yuusuf Cali Talan                                 [General]

Degmada Baki, gaar ahaana degaanka Ceel Bardaale, ayaa waayadanba ahaa goob ay maleeshiyo beeleedyo ka soo jeeda Isaaq ku laayaan Gadabuursiga dhulka dega. Dilka maanta ka dhacay kama gedisna, kuwii hore uga dhici jiray aagaasi, kuwaas oo dad aan waxba galabsan lagu layn jiray.

Dilkan foosha xun oo dabo socda kuwo noocan oo kale ah oo ka horeeyay, ayaa sida la sheegay ujeedadiisu tahay xaal abuur lagu baro kicinayo dadwaynaha Gadabuursi ee degaankaasi ku nool. Waxaana uu hor dhac u yahay qorshe balaadhan oo dhul boob ah oo ay wadaan beelaha SNM.

Waxa hadaba xusid mudan maxay odhan doonaan maanta siyaasiintii iyo madax dhaqameeyadii doraato lahaa waxan dugsiga Sh. Cali Jowhar dhagax dhignay taaladii nabada. Aaway nabadii taalada loo dhisayay?

Ugu dambayn waxaanu leenahay hadaanu nahay shacabka reer Awdal State waa in ay jawaab ficil ah ka baxshaan arimahan, iyada oo kaa shanaysa dawladeeda Awdal State.

xigasho
Xafiiska Wararka
Awdal State

rasaasa.com