Codsi ku Socda Boggaga Internetka

 

Waxaa aad u batay boggaga Internetka ee ka soo jeeda dhulka Somalida Ogadeeniya, in kasta oo qaarkood ay si xoog leh isaga soo horjeedaan hadan kuligeen waxaan u adeegnaa bulshadeena waxaana jira waxyaabo fool xumo ah oo aan wanaagsanayn in ay arkaan indhaha dadweynuhu.

Waxaa xaqiiq ah in ay dagaalo ka jiraan dhulka Somalida Ogadeeniya, wax hada xabada isku ridayaa waa laba wiil oo walaalo ah, hadaba maxaa dhici baad u malaynaysaan hadii maalin walba ay xabadi disho dad wada dhashay.

Waxaa suurto gal noqon doonta in marka dambe ay dhacaan dagaalo beeleed oo dadkaa qoryaha wataa ay horseedaan, waayo umadeenu waa ummada wada dhalatay oo aad isu taqaan, waxayna ku jirta gacan dawlad aan inla dhaqan ahayn.

Hadab, waxaan ka codasnaynaa boggag Internetka bal af ha joogteen, fadlan in aan la soo galinin SAWIRADA dadka ku dhinta dagaalada ay dadka walaalaha ah ee ay iska horkeenayaan xukuumada Itobiya iyo Jabhadaha ka dagaalama dhulka Somalida Ogadeeniya.

Mayd la soo dhigay boggaga Internetku ma ah dagaal, ma aha guul ay cidi sheegan karto, ma ah muslinimo, ma ah wax ku fiican dhaqankeena Islaamka iyo mid aadaminimo midna, fadlan ka dhawrsada in Maydadka la soo galiyo boggagiina.

Waxaan hubaa in ayna jirin cid idinku khasbaysa in aad sidaas samaysaan, waa masuuliyad saaran dadka wada boggaga caadaystay falalkan waxashnimada ah.

Ruuxii Mayd soo dhiga Internetka waxaa  dhab ah in Maykiisana la soo dhigi doono xili, xiliga ay doonto ha noqotee.

Arimaha Colaadaha
rasaas.com

rasaas baa runta sheegee rafiiqaaga ka yeelo