Ciimada Maamulka Somaliland oo Khasaare Xoog leh Loogu Gaystay Degmada Buuhoodle

 

Buuhoodle, January 15, 2012 [ras] – Dagaal farah laggaga gubtay ayaa saaka ku dhexmaray ciidmada maamulka Somaliland iyo ciidamo degaanka Buuhoodle ah, waxaana dagaalka laggaga adkaaday ciidanka Somaliland.

Sida ay wararku sheegayaan xalay saqdii dhexe ayey ciidamaada maamulka Somaliland weerer aan la filayn kula wareegeen degmada Buuhoodle. Saaka waabarigii ayaa iyana waxaa weerar ku qaaday degmada ciidamo maleeshiyo ah oo u dhashay degaanka.

Sida la sheegay ciidamada Maamulka Somaliland ayaa laggaga awood roonaaday si xoog ahna laggaga saaray degmada Buuhoodle. Ciidamada maamulka Somaliland ayaa lagga qabsaday gaadiid dagaal oo badan kuwa badan laga gubay, waxaa kale oo laga reebay mayd iyo maxaabiis badan.

Wararku waxay sheegayaan in ciidanka maamulka Somaliland uu jahawareer xoog leh soo food saaray una kala firxadeen jihooyin badan, waxaana la sheegay in ay raacdaysanayaan maleeshiyaad reer Buuhoodle ah.

Shalay ayuu dagaal afka ah ku dhexmaray saxaafada Axmed Maxamed Siraanyo iyo  Professor Cali Khaliif Galaydr, ka dib kolkii uu Siiraanyo maalintii shalay ahayd amaray dagaal ay ciidamadiisu ku qaadayaan degaanka Dhulbahante.

Dagaalka gardarada ah ee ay beesha Isaaq ku qaaday degaanka beesha dhulbahante ayaa ah gardaro cad ay wado beesha Isaaaq, waxaana suurto gal ah in uu dagaalku balaadho, hadii ayna beesha Isaaq garwaaqsan gardaradeeda.

Beelaha Somaliyeed, maamul gabaleedyada Somaliyeed, ururada bulshada Somalida iyo dawlada federalka ah ayaa maalmahanba uga digayey maamulka Somaliland in ayna dib u soo celin dagaaladii sokeeye ee Somaliya, kuna ekaato degaankeeda.

rasaasa.com