Ciidanka Atoobiya oo Hub Gaadhsiiyey Gudoomiyaha Gabalka Gedo

 

ethiopia Beled-wayne , May 14, 2014 – Ciidanka Atoobiya ayaa gurmad ku tagay degmada Balad Xaawo, si ay u kala dhexgalaan labo ciidan oo isku horfadhiya.

Maleeshiyooyin kala taageersan gudoomiyaha gabalka Gedo iyo maamulka Jubland ayaa ku dagaalamayey magaalada Balad Xaawo baryahan.

Sida uu sheegay wariye jooga Balad Xaawo, ciidanka Atoobiya ayaa xalay ka baxay magaalada Balad Xaawo, ka dib kolkii ay labo maalmood joogeen.

Dad ku dhaw gudoomiyaha gabalka Gedo ayaa sheegay in ciidanka Atoobiya ay soo gaadhsiiyeen hub, ciidanka gudoomiyaha.

Ciidanka Atoobiya oo ka tirsan ciidamada AMISOM, ayaa kolkii hore la moodayey in ay kala dhexgalayaan maleeshiyooyinka dagaalamya. Laakiin ay hada soo baxayaan shakiyo muujinaya in ay la safan yihiin gudoomiyaha gabalka Gedo.

Barakac xoogan ayaa ka socda Buula-xaawo, waxayna dadku u cararayaan dhinaca Mandheeraa.

Ciidanka Atoobiya ma sheegin sababta ay uga baxeen magaalada Balad Xaawo, oo ay ku dagaalamyaan maleeshiyooyin is khilaafsan.

Ciidanka Atoobiya kama amar qaataan taliska sare ee ciidanka AMISOM, dhaqdhaqaaqooda ciidana ma jirto cid la socota.

Sida ay marar badan sheegaan siyaasiyiinta Somalidu, ciidanka Atoobiya waxay u joogaan dalka Somaliya dano u gaar ah.