Thu. Dec 9th, 2021

Rasaas – [Garissa, March 20, 2010] – Warar sugan oo ka imanaya Kenya, ayaa sheegaya in ay soo gaadheen xeryaha qaxootiga ee Dhadhaab 47 dhalinyaro ah oo hore uga tirsanaa N/hurayaashii ururkii ONLF. Wiilashan haatan soo gaadhay qaxootiga ayaa waxaa ka mid ah tobaneeyo dhaawac ah oo ay qaarkood xabado kaga jiraan meelo halis ah una baahan qaliin deg deg ah.

Dhalinyaradan ayaa waxaa marti galiyey sida la sheegay N/hurayaal ay hore uga wada tirsanaayeen ONLF, laakiin iyagu mar hore fahmay burburka uu Jwxo-shiil ku samaynayo ururka ONLF. Waxaa lagu soo dhaweeyey hool ay xerada Ifo ku leeyihiin N/hurayaasha taageersan GS-ONLF oo isagu dadaal ugu jira sidii shuurbixin halganka loogu samayn lahaa.

Dhalinyaradan soo galay Kenya, ayaa waxay sheegeen in ay dhibaatooyin la kulmeen intii ay dhabaha ku soo jireen, dhibaatadaas oo kaga imanaysay dadweynihii hore u taageeri jiray. Waxay sheegeen in reer alaale reerkii ay soo agmaraanba ay kala kulmayeen dagaal, ayna kaga dhinteen 7 dhalinyaro ah. Waxay yidhaahdeen waxaanu moodnay in aanu dal kale joogno markii aan soo dhex maraynay dadkii aanu ka dhalanay.

Waxaanu dareenay bay yidhaahdeeb dhalinyaradani, khaladka iyo dhibaatada aan u gaysanay dadwenaha aan ka dhalanay, arintaas oo uu Aabe u yahay Jwxo-shiil. “Waa dambiilaha kowaad ee qarnigan Jwxo-shiil,” mid dhalinyarada ka mid ah ayaa sidaas kor u yidhi isaga oo qiiraysan.

Dhalinyaradu waxay sheegeen in ay wadada ku soo jiraan dhalinyaro aad u badan, oo aan diyaar u ahayn in ay amar ka qaataan Jwxo-shiil, marka laga reeb dad yar oo ah beesha Jwxo-shiil ah, oo iyaga laftigoodu anaga N/hurayaasha ah dambiyo naga galay. Waxay dhalinyaradu sheegeen in ay diyaar u yihiin xoraynta dhulka Somalida Ogadeeniya, marka bay yidhaahdeen la helo halgan xalaal ah oo aan ahayn midk ay Jwxo-shiil iyo Eritrea ku adeegtaan.

Dhalinyarada ayey dadka qaxootiga ahi, isku dayayaan sidii ay qaylo dhaan ugu diri lahaayeen qubo joogta u dhalay dhulka Somalida Ogadeeniya, sidii looga saari lahaa kuwa ay xabduhu ku jiraan ee ay khatarta ku hayaan.

Arimaha Bulshada
rasaas.com

rasaas baa runta sheegee rafiiqaaga ka yeelo.

By admin