Ciidamada Itoobiya oo Kula Kulmay Saraakiisha Ciidanka Soomaaliland Magaalada Dire Dawa.

 

Saraakiisha ciidanka Soomaaliland, Taliyeyaasha ciidamada Liyu Police-ka iyo saraakiisha ugu saraysay ciidamada qaybta bari ee Itoobiya, ayaa ku kulmay magaalada Dire Dawa.

Saraakiisha Somaliland ayaa joogay muddo todobaad ah magaalooyinka Harar, Dire Dawa iyo Jijiga.Saraakiishan waxaa fariimo la xidhiidha amaanka siinayey saraakiilItoobiyan ah.

Xidhiidhka noocan ah, waa sharci daro qaawan oo meel ka dhac ku ah dawlada federalka Soomaaliya.

Lama oga in arimahan ay la socoto dawlada federalka ah ee Soomaaliya. Dawladaha Itoobiya iyo Soomaaliya ayaa horay ugu heshiiyey in ayna isu gacan dhaafim maamul gabaleedyada labada dawlo.

Maamulka Soomaaliland ayey inta badan taladeedu ka go,odaa dawlada Itoobiya. Iyada oo u aragta Itoobiya in ka tirsanyihiin, meeshan ayna arki karinba dawlada Soomaaliya ee ay nidaam ahaan uga tirsan yihiin.