Car Yaa Sheega Hal Sabbab ah oo ay Kooxda Jwxo-shiil ku Dileen Liqoowe? “Allow sahal libaax seexday bay niman salaaxeene”

 

Dilkii gardarada ahaa ee ay kooxda Jwxo-shiil kula kacday marxuun Liqoowe Muxumed Tayse oo aad uga cadhaysiiyey dadweyne badan, ka dib kolkii la helay waxyaabo badan oo cadaymo qoraal iyo markhaati dad isugu jira.

Waxaa cambaarayntan diraya oo arirmahana cadaynta ahna na soo gaadhsiiyey, sida aan u fahamnay xubno ka mid ah qoyska iyo qaraabada reer Muxumed Tayse, ee hoos ka akhriya.

Ka: Qoyska, ehelka iyo Qaraabada Marxuum Luqoowe
Ku: Bulshada Soomaaligalbeed(Ogaadeenya)
Ku: Hay’adaha Xaquuqda Caalamiga ah
Ku: Dawlad Deegaanka Soomaalida

Ujeeddo: Caddeyn iyo Cambaareyn Dilkii Marxuum Maxamed Muxumed Carab(Liqoowe)13.04.10
Anagoo ku hadlayna magaca qoyska ehelka iyo qaraabada Marxuum Luqoowe Muxumed Tayse oo lagu diley magaalada Qabridahare taariikhdu markey aheyd 13.04.10 waxaan bulshada Soomaaliyeed guud ahaan iyo gaar ahaan Soomaalida Ethiopia ku wargalineynaa in qoyskii uu ka baxey Illaahay u naxariistee Luqoowe oo ka tagay Caruur dhan 5 ah iyo hooyadood aan baadhitaan dheer oo dal iyo dibadba ah kadib aan soo xaqiijiney in Ururka ONLF garabka Maxamed Cumar Cismaan ay dilkaas si naxariis darro ah u fuliyeen ayna habeen madoow Luqoowe oo gurigiisa u socda ay laba nin oo hubeysan ay toogasho ku dileen.

Luqoowe Muxmed waxuu ahaa guddoomiyihii hore ee dagmada Qabridahare waxuuna hayay xilki maaaliyadda gobolka Qabridahare waxuuna kamid ahaa kumayaal muwaadhiniin ah oo dalkooda u shaqeeya waxdanbi ahna aan ka galin shacabkooda sharafta leh.

Ururka ONLF garabka Maxamed Cumar Cismaan waxuu caadeystey dil, dhac iyo boob joogta ah oo ay ku hayaan shacabka aan waxba galabsanin mana ahan markii 1aad ee qof muwaadhin ah oo aan waxba galabsanin ay si arxan darro ah u toogtaan. Magaalo iyo gobolwalba oo ka tirsan Dawlad Deegaanka Soomaalida waxaa ka jira masuuliyiin u shaqeysa dadkooda, balse waxa adag inaan fahamno sababta Liqoowe loo diley iyadoo aysan jirin wax caddeyn ah iyo wax danbi ah oo loo adegsadey dilkiisa.

Dilalka joogtada ah ee ONLF garabka Maxamed Cumar Cismaan ku hayaan shacabka aan waxba galabsanin waxey horseedeysaa dhibaato aan dhamaad lahayn waaana falakkii xisbigii Hanti wadaagga Kacaanka Soomaaliyeed ee kusaleysnaa isku dir, iskuna dil.
Haddaba waxaan xaqiijineynaa si cad oo aan caddeyn u hayno in Marxuum Luqoowe Muxumed Tayse ay dileen ururka ONLF amarka lagu dileyna ay bixiyeen Maxamed Cumar Cismaann oo daggan dalka Ingiriiska iyo Maxamed Ismaaciil oo daggan dalka Australiya . Dilkan waxashnimada iyo fuleynimada ahi ma ahan mid lagu kala hadhi doono waxaana masuul ka ah raggaan aan kor ku sheegney iyo qofkasta oo ay caddaato inuu wax ka maleegey.
Waxaan dhamaan walaalaha ay dhibeyso arintan iyo kuwa lamidka ah ee dunida ku baahsan ka codsaneynaa iney cambaareeyaan kana dhiidhiyaan falalkan waxashnimada, argagixisada iyo arxandarada ah ee kooxda Ina Cumar Cismaan ku hayaan shacabka sharafta leh ee Soomaalida Ethiopia.

Waxaan bulshada Soomaalida Ethiopia usoo bandhigeynaa qayb kamid ah caddeymaha ONLF ay ku sheegteen dilkii iyo dooddii iyaga dhex martey markii ay ka hadlayeen dilka Marxuum Luqoowe. Emailada oo ah kuwa isdaba socda ayaa waxaa bilaabey Maxamed Cumar Cismaan oo isagu markii horeba sheegtey dilka Luqoowe.
Waxaa qoraalkan soo diyaariyey ehelka iyo qaraabada marxuumka oo kala jooga waddamadan:
East Africa
South Africa
Qaarada Aasiya
Qaarada Yurub
Qaarada waqooyiga Ameerika
Qaarada Austraaliya .

1-Emailkan waxaa qoray Maxamed Cumar Cismaan 6 bari kadib dilkii Maxruumka.
Hawlgalkii DHARAAR
Monday, 19 April, 2010 11:19 PM
Warbixin kooban ee Hawl-galkii DHARAAR.
Bishan 16/dii, CWXO waxay qaadeen hawlgal balaadhan oo la magacbaxay, Hawlgalkii DHARAAR/ Sababta magacaas loo siiyayna waxay ahayd, in hawlgalkaas la fuliyay, Labadii duhurnimo ee 16/kii Bisha Apr. 2010/ waqtigaas oo ka duwan waqtiyada sida caadiga ah hawlgalada la fulin jiray. Ciidamada WXO hawl-galka waqtigaas waxay u doorteen, kalsoonida ay isku qabaan iyagoo ogsoon in ayna ciidamada wayaanaha ee maxaysatada ah ayna joojin Karin.

CWXO, bishan 16/dii waxay labadii duhurnimo isku mar weerar ku qaadeen, degmooyinka MARSI, QORIILE, oo Gobolka Doolo ka wada tirsan & NAGAADI-WEYNE oo Gobolka shabeele ka tirsan. Waqtigaas oo Ciidamada wayaanaha oo dhan ay heegan ahaayeen, ogaayeen in CWXO soo weerari doonaa, hadana ciidamada jabhaddu waxay doorteen in ay weera qaadaan, waxay kalsooni buuxda ku qabeen, in ay ciidamada wayaanaha iyo xaabada ay urursadeen ayna joojin Karin weerarka ay soo qaadaan CWXO. Inkasta oy isku dayayn ciidamada wayaanuhu in ay iska caabiyaan weerarka Naftood/hurayaasha jwxo/ hadana iyagoyna ciidan u maqnayn ayaa duhur cad loo xoog sheegtay, saddexdii degmana laga fara-maroojiyay. Khasaaraha cadowga halkaas ka soo gaadhay aadbuu u badan yahay, naf & qalabba. Dadkii aad ugu dhowaa hawlgalkii Dharaar khasaaraha cadowga waxay ku sheegeen in uu 216/ dhimasha ah iyo intaas ka badan oo dhawac ah ka badan yahay. 3/baabuurna laga gubay, inbadan oo maxaysataday soo hawl-galiyeena la qabtay, kadib markii wixii qalab ahaa laga qaatayna la sii daayay. Cadowga hawlgalkaa Dharaar waxaa lagaga furtay qalab mileteri oo badan.

Hawlgalkaas Dharaar maalmo kahor, MIIR-KHALIIFE wayaanuhu wuxuu ku soo ururiyay ciidamo xoogan uu ugu talo galay in ay hawlgalo ka fuliyaan, Ogadenia iyo xadka Somalia labadaba. Markay CWXO ogaadeen qorshaha cadowga, weerar kadis ah ayay ku qaadeen ciidamaduu soo ururiyay, si dhib yar ayay degaankii uga qabsadeen, qalab waxay hasteena uga qaateen, iyagiina u kala eryeen. Koox ka mid ah ciidankii halkaas lagu soo ururiyay, oo la qabtay, intii wixii qalab ahaa ay haysteen laga qaaday, xaaladda guud iyo cidhib-xumada wayaanahana loo sheegay ayaa la sii daayay. Qalab mileteri oo aad u badan iyo raashin xad-dhaa ah ayaa laga qaatay, si ayna mar-dambe u soo laabaninna waa la kala caydhiyay.

Magaalada Qabri Daharre waxaa lagu dhafooriyay, kii maamulka dhaqaalaha kilalka ugu sareeyay oo ka mid ahaa kuwa bulshada reer ogadenia aad u dhiba.
M. Omar

2-Waxaa kasoo jawaabey Maxamed Ismaaciil oo leh maxaad u sheegtey inaan dilney waxuuna ka codsanayaa Maxamed Cumar inuu ka laabto qoraalka mid beenin ah qoro.
Arrintii Liqoowe
Guddoomiye, salaan diirran kadib, arrintii Liqowihii la dilay, si sibiq ah ayey inooga baxday. Dadka madaniga ah ee aan markaa dagaal ku dhimanin waxay ahayd inaynaan qiranin inaga oo tixgelinayna arrimihii aad garanayso.

Waxaan aaminsan nahay inay qolada guduhu canaantii badnayd ee aan lahayn maad ka shaqaysataan jaajuusta dadka dhameeyey ay ku dayn baxayeen markay lahaayeen waan dhafoorinay ee ayna iyagu dilin.

Qofka xun ee jaajuuska ah waxay ahayd in dhowr digniin la siiyo, in intii la qabto oo muddo lahayo digniin la siiyo. Kuwo xun xun oo la wada ogaa ayey qabteen oo sii daayeen. Marka ninkan wuu naga soo horjeedaa keliya laguma dilin haddii uuna mid sidii Wadaad Yare xinif hore ka dhaxaysay dilin.

C/lahi Caa waad wada hadasheen anna saaka ayaan is maqalay. Wuxuu leeyahay wixii dhacay wuu dhacay, wuuna ta’kiidinayaa inayna Jabhaddu dilin oo dad ayaaba loo haya. Waxaan diidayaa ayuu yidhi kuwo khaa’imiin ah inay sidii Doolaal adeegsadaan oo shaqo ka dhigtaan.
Sidaa darteed, waxaan u baahan nahay,
1. Inaan qoladeena gudaha ka xaqiiqsano haddii ay dileen iyo haddii kale iyo siday u dileen,(digniin la’aan or…).
2. Inaan hadda qoraal soo saaro aan leenahay, war arrintaas ku saabsan oon xog ogaal ahayn ayaa jabhadda soo gaadhay, kadibna waa la xaqiijiyey inayna Jabhaddu lug ku lahayn arrintaas, sidaa darteed, waxaan ka raali gelinaynaa arrintaas dhacday.

Waxaa haboonaan lahayd in qoraalkaasi uu magacaaga ku baxo, maadaama uu kii hore sidaas ahaa. Laakiin, haddii aad aniga soo diyaari tidhaahdo oo sii daa waan yeeli karaa intaan kuu soo gudbiyo oon isla saxno. Waxaa haboon inaan sheekadaas soo af Jarro inayna mar kale yeelanin waji kale.

Wax kasta oo dhaca waa halgan aan meel qabaw lahayn oo waan ka gudbaynaa, cidna waji kama rabno aan ahayn habsami u socodka halgankeena oo walbahaar ma jiro.
M. Ismail
Guusha Gobonimadoonkaa leh!

3-Maxamed Ismaaciil ayaa kusoo laabtey waxuuna xaqiijinayaa iney dilku u dhacey siday rabeen. Waxuu kale oo sheegey intahay iney dilaan Illeey iyo Daauud haddana ay qariyaan

Re:Warbixintii dagaalka
Arrinta dilka ee Guddoomiyuhu soo geliyey, waa mid u dhacday sidaa. Waxaa fiican qofkii aan masuuliyiinta waaweyn ee Ina Iley, Daa,uud iyo midka ku jidhdila dadka Jeelka aan ahayn inaynu khaarajino laakiin aan la qiranin.

Arrinta C.lahi Caa, waa nin halgamaa ah oo ma filayo inuu odhanayo adeerka wax kasta uu yahay yaan la taabanin. Dadka la dhafoorinayo ee joogtada ah iyaga Geed lagama soo lulin. Waxaa isaga aan uga tacsiyeyn lahayn haddii ay Jabhaddu gardaro ku dishay ama uu isagu u haysto sidaas ayuu u baahnaan lahaa in la qanciyo.

Isagana waaban u tacsiyeynay, runtii nhureyaalku sidaa umayna garanaynin in dabaqoodhi ahaan loo dilay oo weliba jabhaddu dishay.
Marka ma qabo in arrintan Caa lagu soo faadh faadho.
M. Ismail
Guusha Gobonimadoonkaa leh!
4- Waxaa emailkan qoraya Maxamed Yuusuf waxuuna leeyahay waa sax qorshuhu balse in la qariyo ayay ahayd dilka.
Halgamayaal

Warbixinta iyo xogta dagaalku waa mid aad loogu baahna waxaadn mooda in loo baahanyahay warbixino badan oo la xidhiidha dagaalada madamay ay dhaceen dagaalo badan meela kala duwana ka dhaceen.
Khalad dhacay waxaan ku raacsanahay tilmaaha ay timaameen xubnihii iga horeeyey in sida ay yihiin loo qaato.

Cabdullahi Caana si gaar ah in loola hadlo ayaa il quman haddii la sameeyeyna waa ok, Xalay mar aan lahadlay Xafiiska Jaaliyada Norway oo ah halka uu Cabdullahi ka hawgalo way deganayd aadna looma fahmin qoraalka marka aniguna waan u kaadiyey kuman baraarujin.
Warbixinta Daagalada ayaa aad loo sugayey marka markay wax fiican maqleen masan dhuuxin qaybta dambe qaar kale oo arkay ilana soo xidhiidhay way jiraan.
Wadamahadsantihiin
M.Yusuf

6- Maxamed Nuur ayaa markanna ka hadlaya aragtidiisa oo waxuu caddeeyenayaa iney ahayd khalad baxey balse aan lagu laaban.
Xuseen iyo Xubnaha oo dhan salaan ka bacdi, arinta warbixinta uu Gudoomiyahu soo gudbiyey waa khalad dhacay. Waxaa sabab u ah xog-wadaaga Gudaha iyo Dibada oo aan hagaagsanayn. Adigaa muujiyey waana dhab. Xogta oo aan soo daahin oo markay wax dhacaan si dhakhsaha Hog. Warfaafinta loogu soo gudbiyo, Qoraalada Gudoomiyaha oo Xoghaynta ku soo horaysa waxay daawo u tahay khaladkan dhacay. Qoraalka warbixinta Gudoomiyaha inta yar ee ku saabsan dilka ninka ayaa ah khaladka, sababtoo ah waxaan dhamaanteen Tacsi u diray Naftii Hure ay qaraabo ahaayeen taas oo ka dhigan inaysan JWXO dilkiisa lug ku lahayn.

Gudoomiyuhuna in JWXO dishay ayey Qoladeena gudaha u soo gudbiyeen. Wakhtiga aynu Tacsida wada diraynay waxay ahayd mar uu Gudoomiyuhu socdaal ku jiray oo waxaan filayaa Golayaasha ma akhrin wixii laysku waydaarsaday.
Warar aan Q.Dahare ka helay waxay ii sheegeen in dilka ninkan ay isu haystaan Maamul ku sheega, taasoo kaliftay inay wayaanuhu soo dhexgalaan oo baydhaan cida dishay. Waxaa loo haystaa niman Saraakiil ku sheega Booliska-dabaqoodhi ga ah, hadii uusan warkan inaga bixina khilaaf cadawga dhexdiisa ah ayey keeni lahayd, in kasta oo aanan ogayn inuu warkan gaadhay cadawga Si kastaba xaalku ha ahaadee, waxaan casharkan ka baranay:
1. Xidhiidhka in dib loo saxo u baahan ee Gudaha iyo Hay’adaha Dibada ka hawl gala.
2. Isu tacsiyeyn aan la hubsan waxa laga tacsiyeynayo.
3. Warbixinada Gudaha, Dibada, iyo waraysiyada oo u baahan in mar walba gacan labaad inay ka warhayso ama hufta intaan la sii dayn.
Guul iyo Gobanimo
M. Noor

7- Xaaji Bisle oo aad u xanaaqsan ayaa emailkan qoraya isagoo leh khalad ayay ahayd in guddoomiyuhu soo galiyo qoraalkan.

Mudanayaal waad salaaman tihiin,
Madaxa Hayadda Kaydku wuxuu ua arkay in Golyaasha la xidho si ku meel gaadh ah (2-3 maalmood) inta aan go’aan ka gaadheyno kana tashanayno arrinka uu maanta si aan la filayn GJWXO usoo dhigay Golyaasha dhamaantood.

Waxaan filayaa qoraalkii warbixinta Dagaalaka DHARAAR ee maanta uu inala wadaagy GJWXO inuu ka raacey intiisa dambe warbixin aan mudnayn in Golyaasha lala wadaago xitaa haddii ay run tahay( aniga aragtideyda) . Ninkan sidaan ka warhelay waa Mudane CABDULLAHI CAA adeerkii oo lagu magacaabo Luqoowe Muxumed Tayse , haddii uu yahayna waa nasiib darro weyn inaan usbuucna aan nidhaahno TACSI, kan ka dambeeyana aan nidhaano waan dhafoorinay ! taasu ma ahayn JWXO hadalkeedii looga bartay een waligeed ku faani jirin hebel & hebel oo shacabka dulamn u dhshay ayaan dhafoorinay !akhriya warbxinta inteeda dambe :
“Magaalada Qabri Daharre waxaa lagu dhafooriyay, kii maamulka dhaqaalaha kilalka ugu sareeyay oo ka mid ahaa kuwa bulshada reer ogadenia aad u dhiba”.

Waxaqan filayaa inuu GJWXO arki doono qoraalkan si deg deg ahna talo u keeni doono wixii aynu ka yeeli lahayn aafadan keeni karta dhib weyn oo buuq & dhibaato aynaan diyaar u ahayn halganka galin karta.
Mahadsanid,

Haji Bisle,

rasaas.com