Cali Shoocaac oo Lagu Xidhay Jigjiga

 

Wararka ka imanaya Magaala-madaxda Ismaamulka Somalida ee Ethiopia, Jigjig, ayaa sheegaya in la xidhay, Cali Cabdile Xirsi, oo ku magac dheer Cali Shoocaac.

Cali shoocaac waxa uu ka tirsanaan jiray, saraakiishii hogaamin jirtay Jabhadii Somali Galbeed ee la dagalaami jirtay dowladii Dergiga ee Mingusta Xayle Maryam. Waxanu ahaa, sarkaal si weyn looga yaqaano, gobolka Somalida ee Itoobiya, mudo badana ka dagaalami jiray gobolkaasi.

Ma jiro war rasmi ah oo ka soo baxay dowlada ismaamulka Somalida ee Itoobiya, balse waxaa la xaqiijiyay in Cali shoocaac lagu xiray Xabsiga magaalada Jigjiga oo uu hada uu ku jiro, Cali Shoocaac, oo in muddo ah ku noolaa dalka Sacuudiga.

Dhawaan ayuu Cali Cabdille Xirsi gobolka dib ugu laabtay, mana cada wali sababta keentay xadhiga Cali Shoocaac, xili ay socoto nabad u dhaxaysa dawlada Itobiya iyo Jabhadihii dagaalka waday.

Waxaan isha ku hayndoona waxa ka soo kordha xadhiga Cali Shoocaac.

rasaas.com