Calanka ONLF Cisuu Mudanyee Wajiyadii Colaada Hordhiga, Calool Xaadhashaa Jirtee!

 

Dawlada Itobiya iyo ururka ONLF ayaa waxaa u socda wadahadalo nabadeed. Waxaana si aan caadi ahayn u socda soo dhawaynta nabada iyo dabaal degyada ay samaynayaan dadweynaha Somalida Ogadeeniya dibad iyo gudaba. Dadweynahaas oo aad u jecel in ay dhacdo nabad dhexmarta Jabhada ONLF iyo dawlada Itobiya, sidaasna lagu helo xuquuqda ay dadku leeyihiin.

Waxaa galay gudaha Ogadeeniya xubno ONLF, oo ah horobaxanyada nabada uu ururku ku jiro, waxayna shirar u qabanayaan maalmahanba dadweynaha Somalida Ogadeeniya ee degan magaalooyinka.

Dadweynaha Somalida Ogadeeniya waxay jecel yihiin oo ay ku qanci karaan in ay arkaan calaamadaha iyo calanka ONLF oo ka muuqda dhulka Somalida Ogadeeniya iyo maxfalada ay dadweynuhu ku soo dhawaynayaan masuuliyiinta ONLF, ee nabada u tagay dalka.

Xubnaha ONLF ee shirarka qabanaya iyo meelaha lagu kulmayo ayayna ka muuqan calaamadaha ururka lagu yaqaano, arintaas oo ay dadweynaha Somalida Ogadeeniya iyo aqoonleydu ka muujiyeen walaac. Sababta oo ah ururka ONLF iyo dawlada Itobiya waxaa dhex socda wadahadalo nabadeed, dadwenuhuna wuu ku qanacsan yahay, waxaana goobaha shirarka lagu qabanayey lagu xardhay calanka Kilalka iyo Calanka Federaalka, waxaana meesha ka baxay Calanka ONLF oo ah midka wadahadalka kula jira dawlada Itobiya.

Arintaas iyada ah, waxay dhaawici kartaa hanka ay qabaan dadweynaha iyo aqoonleeyda Somalida Ogadeeniya, kolka ay ka waayaan maxfalada calankii ay dugsanayeen ee nabada u keenay.

Waxaan filayaa in kolka ay hawlaha nabadu dhamaadaan uu ururka ONLF, noqondoono xisbi sharciyeysan oo u tartama hogaanka Itobiya iyo kan maamulka Somalidaba.Waxaana suurto gal ah in calanka Ismaamulka somaliduba uu noqdo calanka ururka ONLF, sidaas daraadeed calanku waa astaanta ugu muhiimsan jiritaanka ONLF, ee laggaga garan karo ururada ama xisbiyada kale.

rasaas.com