Cadaalada iyo ku Dhaqanka Shuruucda Dawladnimo/wq. M Y Shiil

 

April 23, 2012 – Waa maxay sharci? Sharci [xeer] waa tixo tiro qodobo ah oo la kulmiyey lana qoray, kuwaas oo ilaaliya xaqa, xuquuqda iyo nidaamka kala dambaynta dad degan dal. Sharcigaas oo ay raali ka yihiin dadweynuhu una siman yihiin.

Hadaba si uu sharcigu u noqdo mid jira waa in uu helaa hayado qaabilsan sharciga, kuwaas oo inta badan lagu sheego in ay yihiin saddex hayadood oo kala ah; Boolis, Maxkamad iyo Xukuumad. Sadexdaas hayadood oo wada shaqeeya ayaa keena sharci iyo nidaam dawladnimo, hadii uu mid ka mid ah maqan yahay sharci ma jiri karo.

Jiritaan iyo habsami u shaqaynta saddexdan hayadood waxay keeni karaan nidaam kala dambayneed oo keena nabad iyo horumar nololeed oo ay gaadho bulshada hesha saddexdaas hayadood.

Hadaba, sidee ayey u shaqeeyaan saddexdan haydood:

Dawladu waa hayad sharci dajineed, waxayna soo saartaa sharciga iyada oo la tashanaysa dadweynaha dalka degan iyo gudi farsamo oo diyaariya.

Maxkamadu waa hayada fulinta sharciga dajisan ku dhaqankiisa ee ay dawladu soo saartay, iyada oo cidii ku xad gudubta ku ciqaabta sharciga, iyada oo aan ka dhex baxaynin qodobada sharciga ku qoran.

Bilaysku waa ilaaliyaha shuruucda ay dawladu soo saarto, isaga oo qabta cidii jabisa sharciga ama waxyeelaysa nabad galiyada dadweynaha, hantidooda iyo mida dawlada. Boolisku wuxuu geeyaa Maxkadamad kuwa ku xad gudba sharciga.

Saddexda hayadoodba waxay ku shaqeeyaan sharciga dajisan, dadka ka shaqeeyaana waxay ka mid yihiin dadweynaha sharcigana ula siman yihiin.

Hayadaha kale ee dawliga ah, ururada bulshada iyo shakhsiyaadku waxay abuuraan shaqooyin keena horumarka dalka dhamaantood waxay ka hoos dhashaan saddexda hayadood ee sharciga.

Hadaba, hadii ay arintu sidaas tahay maxay dadweynaha dalalka
qaarkood uga cabsadaan, Bilayska, maxkamadaha iyo dawlada? Maxaase keena cabashooyinka dadweynaha?

Runtii hayadaha noocan ah waxay ka jiri karaan oo kaliya dawladaha ay doortaan shacabku, laakiin kuwa xooga ku yimaada awooda dawladnimo si nidaamsan uma raacaan sharciga.

In laga cabsado Hayyadaha sharciga, waxaa keeni kara labo mid uun in saddexda hayadoodba ay yihiin kuwa sharciga jabiya, taas oo keenta in laga cabsado waayo waxay awood u leeyihiin in ay kugu gafaan cid kale oo loo cawdana ma jirto.

Arinka labaad ee keenta in laga cabsado Hayyadaha sharcigu, waa mid khusaysa shakhsiyaad lid ku ah sharciga sida; tuugta iyo kuwa ka ganacsada mukhaadaraadka.

Dalalka dunida saddexaad oo ay ku badan yihiin kali talisnimadu waxaa aad ugu badan xad gudubka dadweynaha ay u gaystaan saddexdan hayadood.

Awooda Boolisku waa xad dhaaf waxayna iska xidhaan dadka iyaga oo aan sharci la gayn intii la doono, ama toos baa xabsi loo geeyaa.

Maxkamadu, waxay iska leedahay iyaduna awood xad dhaaf, waxayna ku ridaan xukun cidii ay doonaan iyaga oo aan raacaynin sharciga dajisan.

Xukuumadaha xooga ku haysta awooda dal sharciga waxay u samaystaan in ay isku ilaaliyaan, laakiin uma sameeyaan in ay ku ilaaliyaan dadweynaha dalka. Sidaas daraadeed dadweynuhu waa u cadow dawlada noocaas ah wuuna ka cabsadaa.

rasaas.com