Cabdikariin Sheekh Muuse oo la Sheegay in Lagu Dilay Tuulo Cali-wanaag

 

Warar la xaqiijinayo oo aan ka helay magaalada Wardheer ee gabalka Doolo, ayaa sheegaya in Cabdikariin Sheekh Muuse oo ahaa taliyaha ciidanka kooxda Jwxo-shiil, in la dilay isaga iyo dhawr nin oo la socday Tuulo Cali-wanaag.

Cabdikariin Sheekh Muuse oo ka mid ahaa N/hurayaash Jwxo ee in badan ku soo jiray halganka, ayaa xiliyadii uu Jwxo-shiil sharciga ku gafay ee uu diiday la wada tashado, ayuu Cabdikariin noday dadkii khaldamay ee dabo-dhoonka u noqday Jwxo-shiil, qaybna ka qaatay duminta halganka ay waday ONLF.

Cabdikariin, ayaa ahaa raga saldhiga u ah Jwxo-shiil, ee aan waligii gudaha ka bixin socdaal uu ku tago Eritrea mooyee. Cabdikariin, dhimashadiisu waxay soo afjari doontaa kooxda Jwxo-shiil, oo ay hada gudaha ugu hadheen laba Basaas waa Cabdi Cabdulahi iyo Sulub Cabdi Axmed, oo iyagu ku dhuumaalaysanaya Hargeysa iyo Gaalkacyo.

Sida ay wararku sheegayaan Cabdikariin, ayaa ku dhintay dagaal shalay ka dhacay Tuulo Cali-wanaag oo ka tirsan gabalka Doolo.

Ninka ku magac bixiyey burburinta halganka ay waday Jabhada wadaniga xoraynta Somalida Ogadeeniya ee Jwxo-shiil, oo isagu ah nin da,a kuna nool dalka Ingriiska ayaan dan iyo aabo ka lahayn saaxiib iyo sokeeye cidii waxyeelo gaadho iyo waliba halgankii uu soo xidhay ee Jwxo.

Taariikhdu ma gabowdo hadaad dhimato iyo hadaad noshahayba waxaad gashay way qori Jwxo-shiil-na Jabhad Jabiyena waa loo joogaa.

rasaas.com