Cabdikariin Guuleed oo Ceshan Waayey Calooshiisa Waxa yaala, Iloobayna Xilka Jagada uu Hayo.

 

cabdikariinWasiirka Arimaha Gudaha  Cabdikariin Xuseen Guuleed Somalia ayaa yidhi “Koox Jabhad qabiil ah oo hubeysan kama talin karto aayaha bulshada Jubbooyinka, waana u sheegnay dawladda Kenya in ay faraha kala baxdo Arimahaas.’’  Sidaas waxaa laga soo xigtay  Idaacadaha maxaliga ah ee magaalada Muqdisho ayaa saaka baahisay in wasiirka Arimaha gudaha iyo amniga Qaranka Cabdikariin Xuseen Guuleed uu soo qoraalkan barta uu ku lee yahay twiter-ka ayaa sidan u qoran

“Wafdigii Kismaayo loo diray in ay dib u soo laabtaan, ayaan ku amarnay, si dawladdu ay go’aan uga qaadato arinta Kismaayo. Wafdigaasi aan u diray Kismayo ayaa noo sheegaya in kooxaha Kismaayo isku haysta ay kulan ka dalbadeen, balse howsha wafdiga ma aha arinkaas.Waxaan amar ku siinay in ay soo laabtaan.”

“Koox Jabhad qabiil ah oo hubeysan kama talin karto aayaha bulshada Jubbooyinka, waana u sheegnay dawladda Kenya inay faraha kala baxdo Arimahaas Dawladda Kenya, waxay qeyb ka tahay dawladaha AMISOM soo diray, wax siyaasad iyo maamulna shaqo kuma lahan”

Dawladdu dadaal ma reeban, laakin dad qaswadayaal ah ayaa dhibaatada wada, tallaabo ayaana ka qaadaynaa. Axmed Madobe waxba ka duwan shacabka reer Kismaayo haddii uusan wali aaminsaneyn fikradihii uu ka soo laabtay.

Warkan oo laga soo xigtay Ideecaha Muqdisho iyo talaabooyin is xig xiga oo xaga xumaha ah oo ay qaaday dawladu, waxay muujinayaan in ay dawladu ku jirto diyaar garaw dagaal lagu qaado maamulka curdanka ah ee Jubaland.