Cabdifatax: Wadahadalka Nabada Itobiya iyo ONLF, Wuu Guulaysan

 

Cabdifataah Sheekh Cabdulahi, Guddoomiyaha Xisbiga Dimoqraadiga ee Somalida Ogadeniya ahna wasiirka kobcinta tamarta, ayaa sheegay in wadahadalada u dhaxeeya dawlada iyo Jabhadaha ay  faa’iido u yihiin Somalida Itobiya.

Guddoomiyaha Xisbiga Dimoqraadiga ee Somalida Ethiopia Cabdifataax Sheekh Cabdullaahi, ayaa rajo weyn ka muujiyay in uu hirgali doono wadahadalka nabada ee u dhaxeeya dawladda Ethiopia iyo jabhaddaha Somalida ee ka soo horjeedi jiray.

Cabdifataax oo safar ku maraya dalkan Maraykanka ayaa sheegay in dawladda Ethiopia iyo maamulka dawlad-deegaameedka Somalida Ethiopia ay diyaar u yihiin in ay gacan nabadeed u fidiyaan kooxaha ka biyo-diidsan nabada isla markaana dhamaan colaadda gobolka lagu soo afjaro si nabad-gelyo ah.

Cabdifataax, wuxuu sheegay in kulamo ay la yeesheen jaaliyaddaha qurbo-joogta ah ee ka soo jeeda gabalka ay u sheegeen in maamulka dawlad-deegaameedka Somalida Ethiopia ay ka go’an tahay in ay si nabad gelyo ku dhameeyaan colaadaha gabalka ka jirta.

Wareysiga guddoomiyaha Xisbiga Dimoqraadiga ee Somalida Ethiopia hoosta ka dhagayso.

[mp3player width=200 height=20 config=fmp_jw_widget_config.xml file=http://rasaasa.com/voacabdifatax.mp3]
rasaas.com