Cabashooyinka Xoolo Dhaqadata iyo Qorshayaasha Dawlada Degaanka Somalida Atoobiya

 

dhanaanJijiga, Jan 28, 2014 – Xoolo dhaqatada degaanka Somalida Atoobiya, ayaa baryahan dambe waxay aad uga cabanayaan canshuur la sheegay in ay dhawaan ku soo rogtay dawlada degaanku.

Xukuumada degaanka Somalida, ayaa horaantii sanadkii tagay waxay bilowday mashruuc lagu daawaynayo xoolaha degaanka, iyada oo kooxo xambaarsan dawooyinka xoolaha u kala dirtay gabalada iyo degmooyinka dalka.
Kooxaha ka qaybqaatay ololaha talaalka waxay isugu jireen:

1. Koox ka socota xanaanada xoolaha
2. Koox ka socota Liyuu Booliska

3. Koox ka socota wakaalada dakhliga

Ololaha talaalka ayay si wayn u soo dhaweeyeen dadka xolo dhaqatada ah iyo kuwa ku nool magaalooyinka oo ay noloshoodu si toos ah iyo dadban ugu xidhan tahay wax soo saarka xoolaha nool.

Sida aan xogta ku helay talaalka xooluhu ma ahayn bilaash, waxaana uu ahaa khasab.

Qiimaha lagu talaalayey xoolaha yaa kala duwanaa, iyada loo sameeyey heerar, kaas oo ay go,aamiyeen madax xafiiseedayada degaanku kulan ay ku yeesheen Jijiga July 2012. Qiimaha laga qaaday saddexda meesi ee caanaha macaan ayaa ahaa sidan;

Labaatanka (20) neef ee ari ah, waxaa lagu talaalay qiimaha hal neef oo ari ah (1/20) oo ahaa 1,000 Birr. Tobanka (10) neef ee lo,oda ah, waxaa lagu talaalay qiimaha hal neef oo lo,o ah (1/10) oo ahaa 4,000 Birr. Shanta (5) neef ee Geel ah, waxaa lagu talaalay qiimaha hal neef oo Geel ah (1/5) oo ahaa 8,000 Birr.

Kuma jiraan talaalka xoolaha nool Dameeraha, fardaha, Ayda iyo Bisaduhu hadiiba ay jiraan dad dhaqdaa.

Sida aan xogta ku helay arinka talaalka, waxay dawladu uga golahayd ogaanshaha tirada xoolaha nool ee degaanka, si canshuur madax tiris ah looga qaado sanadkiiba hal mar. Halkaas oo ay dawladu ka heli doonto dakhli aad u badan, maadaama degaanka Somalidu 85% lagu sheego in ay yihiin xoolo dhaqato (Ethiopian central statistical office).

In canshuur lagga qaado xoolaha ay dhaqdaan reer miyigu waa wax ku cusub guud ahaan Somalida, gaar ahaan Somalida Atoobiya. Xiligii boqorttoyadii Haile Salese waxaa laga qaadi jiray xoolo dhaqatada “gibir” oo ah eray Xabashi ah oo la macno ah Canshuur.

Qorshaha Dakhliga Biyaha ee Reer Miyiga

Degaanka Somalida Atoobiya baahida ugu badan ee ka jirtaa waa biyaha, waxayna dawlada degaanku waxqabadkeeda kowaad ka dhigtay biyaha, ka labaadna biyaha iyo ka saddexaad biyaha. Wa qorshe wanaagsan.

Si loo daboolo baahida biyaha waxaa la isticmaalay hanaan lagu uruuriyo biyaha cirka, waxaa la qoday harooyin waawayn, Barkado si gaar ah loo dhisay iyo qodista ceelal gacmeedyo iyo ceelal matooro ah.

Lacagaha iyo qorshaha ay dawlada deganku ku hawlgashay waxaa lahaa UN, xafiiskeeda cuntada (OXFAM,rural support iyo pastoral organisation) oo la kaashaday dawlada dhexe ee Atoobiya.

Qorashayaashaas, waxaa barbar socda qorashe ay dawlada dhexe iyo dawlada degaanku ku dareen. Kaas oo in la gado biyaha si dakhli looga helo, waxaa la dhigay goobaha laga helo biyaha ciidan Liyuu Boolis ah iyo shaqalaha wakaalada dakhliga. Halkaas oo dad iyo duunyaba wixii ka caba laga qaado lacag loogu magcdaray dakhliga biyaha.

Dawladu waxay u goysay qiime lagu iibiyo biyaha, kaas oo ah in tobankii litirba lagu gado hal Riyaal (1 Birr) (10 litir = 1 Birr).

Arintan wax badan ayey ku kodhin karta dakhliga degaanka, hadii si nidaamsan oo sharci ah loo isticmaalo. Dhinaca kale, arintani waxay kordhinaysaa dhibaatadii dhaqaale xumi ee ka jirtay degaanka Somalida.

Arintan oo degaanka Somalida Atoobiya ka dhigaysa meelaha ugu biyo qaalisan aduunka. Xogta ah in degaanada kale ee Atoobiya arintan la wadaagaan degaanka Somalida ma hayno, waxaanse wadnaa baadhid.

Hadafka dhaqaalaha laggaga samaynayo biyaha, waxaad moodaa in aan si cilmiyeysan looga doodin, laguna koobay oo kaliya sidii dhaqaale lagu heli lahaa.

Mashruucan oo jira wax ka yar sideed bilood, waxaa dirba qaylo xoog leh ay ka imanaysaa dadka xoolo dhaqatada ah ee degaanka, kuwaas oo lagu amray in ayna u guuri karin meel aan la ogayn.

Sida aan warbixinta ku helay, dad xoolo dhaqato ah, ayaa kolkay xamili waayeen culayska soo kordhay, waxay ula talaabeen xoolahoodii dhinaca Puntland iyo Somaliland, halkaas oo sida la sheegay ay ka soo celiyeen ciidamada Liyuu Boolisku.Maryama_Abdi_300x195

Hoos u dhaca qiimha xoolaha nool ayaa laga dareemayaa suuqyada lagu kala gato xoolaha degaanka, ka dib kolkii dad badan oo xoolo dhaqato ah ay iibinayaan xoolahooda, iyaga oo doonaya in ay dawladu dajiso dhulka la sheegay in laga samaynayo beero.