Caalimka Diinta-Islaamka Ugu Af-dheer Geeska Afrika, Ayaa Gaal Wax ka Xun ku Sheegay Qofka Muslimka ah ee Gaal u Raaca Wax Yellow Muslim.

 

umalCaalimka diinta Islaamka ugu afdheer geeska Afrika, Sheikh Mohamed Abdi Umal ayaa muxaadaro diini ah kaga hadlay Al walaal Wal-baraa, ayaa sheegay in ay waajib ku tahay qofka Muslimka ah hiilada Muslimiinta. Sheekhu wuxuuna aad ugu fogaaday in qofka gaalada u soo raaca waxyeelada muslimka uu GAAL yahay diintana ka baxay.

Sheekh Umal wuxuu yidhi “hadalkan in si dhab ah loo qaato ayaa loo baahan yahay, in qofkii gaalo u soo raaca waxyeelo Muslim in uu murtad diinta si toos ah uga baxay yahay,  in lala dagaalamo daaye meel alaale meesha lagu arko, waa lagu dilayaa qof la weydiina majiro,  Allaah ayaa fasaxay dilkiisa, hadii la dilana Muslim ahaan loola macaamilimayo, lagu tukan mayo, Qubuurta Muslimiintana lagu aasi mayo, naag Muslimad ahna ma qabi karo, waa murtad gaalada isagaa ka xun”.

Hadalka Sheekh Umal, ayaa ku beegmay qabashadii xubno ONLF ah oo dhawaan laga qabtay Kenya iyo Soomaaliya, oo loo dhiibay Atoobiya. Sheekhu waxba kama odhan maslaxada ka dhaxaysa degaanka Somalida iyo Atoobiya iyo waliba maslaxda ka dhaxaysa Somaliya iyo ciidamada caawinaya.

Waxaa kale oo uusan Sheekhu ka hadal arimo maalmahan warbaahinta lagu faafiyey oo ah in degaanka Somalida Atoobiya “la gaalaynayo” oo loo diiday in wax Diin-Islaamka ku saabsan laga siidaayo warbaahinta Degaanka Somalida Atoobiya.