Burka Bahalba Kama Filayn!

 

abdi omarMadaxwaynah degaanka Cabdi Maxamud Cumar: “Xagay ka timid guuldarada aanan filayn ee naga hortimid”

Madaxwaynaha degaanka Somalida Atoobiya Cabdi, oo todobaad joogay London, ayaa habeenimadii sabtiga, waxaa uu shir ku qabtay gudaha Safaarada Atoobiya.

Shirka ayey ka soo qayb galeen qaar ka mid ah dadka degaanka u dhashay ee dibada jooga iyo kuwa ka soo jeeda dalka Soomaaliya. Waxaa kale oo shirka joogay safiirka Atoobiya u jooga dalka Ingriiska.

Madaxwaynaha ayaa dadka kula kulmay safaarada, wuxuu u sheegay dadka in ay maalgashadaan degaanka iyo in ay gataan saamiyada dhismaha biyo xidheenka Benshagul Gumuz, Atoobiya.

Sida warku sheegay, dadka kulanka yimid ayaa u badnaa duqay u badan dalka Soomaaliya. Waxaana filanwaa noqotay in dadkii goobta joogay ayna wax lacag ah ku yaboohin, laakiin ay su,aalo badan ku yabooheen.

In kasta oo shirku ahaa xili habeen ah, hadana waxaa galabnimadii safaarada Atobiya ku hor banaan baxay taageerayaasha ururka ONLF, kuwaas oo aan la filayn xiligaas.

Waxaa kale oo la sheegay in Hoteelkii ay daganaayeen waftigii dawlada degaanka Somalida ay weerareen kooxo taageersan ONLF iyo OLF, halkaas oo Booliska Ingriisku kala dhexgalay.

Taageerayaasha ayaa sawiro ay wateen tusay Booliska, kuwaas oo ay sheegeen in ay ka tirsan yihiin ciidanka Liyuu Booliska, degan yihiin dalka Ingriiska.

Safarka madaxwaynaha oo ahaa kii saddexaad, oo mudo labo sano gudaheed ah uu ku tago Ingriiska, ayaa ka duwanaa kuwii hore uu Jaaliyada degaanka iyo kuwa Soomaaliya uga bartay.

Dad ka mida waftiga, ayaa sheegay in Jaaliyada degaanku ayna ku booqan Hotelka ay deganayd, meesha xiliyadii hore dadku ay waayi jireen fursad ay ku arkaan waftiga.

Waftigu waxay gooni gooni ula kulmeen beelaha degaanka, kulankaas laftigiisa waxaa beelaha la faray in ay keenaan dad badan, taas oo aan dhicin.

Waftiga, Jaaliyada degaanku dhabarka ayey tustay, arintaas oo dhabar-jab ku noqonaysa madaxda degaanka oo muujisay wax qabad fiican mudadii ay joogtay.

Dadka dibad-joogta ah ee tagay degaanka, ayaa sabab u ah maanaca madaxda degaanka, kuwaas oo warbixino aan wanaagsanayn dibada geeyey.

Waxaa kale oo iyana loo aanaynayaa in isbadalkan uu sabab u yahay, hab dhaqanka madaxda degaanka, oo ku dhisan awood naxariis daran.

Socdaalka Madaxwaynaha oo aan la garan ujeedadiisa ayaa u ekaa mid la soo gamay oo lagu tijaabinayo awooda ururada mucaaradka inta ka horaysa Atoobiya ee 2015. Taas oo ay ku go,aan qadanayso dawlada federalka Atoobiya, diyaarinta cida qaban doonta hogaanka degaanka.

Dadka ka faalooda arimaha degaanku, waxay sheegaan in isbadalka ay Atoobiya ka wado degaanka uu yahay mid ku egg 2014. Waxaana la rabaa in laggaga gudbo doorashada Atoobiya ee 2015-ka.