Dagaal Culus Habeenkii Xalay ka Qarxay Agagaarka Qabridahare.

 

BreakingNews: War naga soo gaadhay Magaalada Qabridahare ayaa sheegaya in xalay fiidkii uu dagaal xoog leh ku dhex maray garab ka mid ah ONLF, ama JXSG  iyo ciidanka Dawlad Deganka Somalida.

Dagaalkan ayaa la sheegayaa in uu khasaare badan keenay labada dhinacba, waxaana wararka qaar ay sheegayaan in dhimashada iyo dhaawucuba ay aad u badan yihiin.

Sida ay sheegayaan wararku Ciidanka New POLICE-ka ee DDS ayaa laga dilay tiro aan ka yarayn 20 askari, dhaawaca la keenay Qabridahare ayaa gaadhaya 25 askari.
Waxaana ay sheeganayaan Booliska Cusubi in ay dileen ciidan badan oo ONLF ah. Waxaa kale oo ay sheegteen in ka qabsadeen qalab badan oo isugu jira hub iyo isgaadhsiin.

Wali wax war ah beenin iyo rumayn midna kama soo bixin dhinaca ururka ONLF oo isagu muddoba ah laba garab oo ku qaybsan gudaha iyo dibadaba iyaga laftigoodana ay colaadi dhextaal. waxaa kale oo iyana dagaal xoog leh kula jirta ciidanka Itobiya JXSG oo iyada laftigeedu colaad u haysa garab ka mid ah garabyada ururka ONLF. Madaama uu warku ka yimid dhinaca ilo madax banaan lama ogga cida dagaalka la gashay ciidanka Degaanka Somalida.

Dhinaca ciidanka degaanka ayaa waxaa ku jira dadka dhintay taliyihii ciidanka Booliska Cusub ee degaanka Qabridahare oo ay Ilomo adeer yihiin Cabdi Iley hogaanka nabad galiyada iyo cadaalada ee degaanka Somalida. waxaa kale oo dagaalkan ku dhintay nin ka mid ahaa madaxada Booliska dhibaata xoog lehna ku hayey dadweynaha Degaanka gaar ahaana Qoraxeey, ninkaas oo lagu naanaysi jiray Canjeex.

Wixii ka soo korha ka sug rasaas.com