Bishii Barakada iyo Khayrka oo Bilatay [Ramadaan Kariim]

 

Bishaaro dhamaan ummadaha muslimiinta ah, gaar ahaana ummada Somalida Ogadeeniya, waxaa caawa bilatay bishii barakada iyo khayrka ee Ramadaan.

Bisha Ramadan waa bisha ugu khayrka badan 12 bilood ee sanadka, waxaana ay ummadaha muslinka ah ku tartamaan u kala horaynta khayrka iyo toobada. Bisha Ramadaan waa bil uu Eebe weyne ugu talo galay in Muslimiintu ay kaga faa,iidaystaan dambi-dhaaf  wixii dambi ka dhacay iyo In uu Eebe ka xijaabo mid dambe.

Sidaasi daraadeed ayey Bishan Ramadaan ee caawa bilatay ay farxad ugu leedahay ummadaha muslimiinta ah, waana lama huraan in ay si weyn uga faa,iidaystaan.

Eebe weyne ha ina waafajiyo dhamaanteen khayrka Bisha Ramadaan

Amiin