Bishaaro Muslimiinta Aduunkow Meel Aad Joogtaanba, Kuna Ciid Caafimaad San

 

Eebe ha inaga mid dhigo maalaayiinta muslimiinta ah ee janada loogu bishaareeyo dhamaadka barakada bisha Ramadaan oo ay bari dadweynaha muslimiinta ah ee aduunku bilaabayaan dabaal degeeda meel walba oo ay joogaan.

Bisha Ramadaan ayaa waxaa ay ku dhamaatay sanadkan 29 maalmod, waxaan bari loo dareerayaa salaada ciidal Fidriga, oo lagu khatimo dhamaadka bisha barakaysan.

Bari waa maalin weyn ee Eebe lagu tuugayo dambi dhaaf muslimiintuna ay is cafiyayaan.

Eebow naga dhigii kuwii cadaabta laga xoreeyo.

rasaasa.com