Home / News in Somali /
Beesha Reer Ugaas Warfaa Ugaas Xirsi oo Kenya Kulantay Kallamadna ka Soo Saaray
Waxaa magaalada Nairobi ka dhacay kullan balaadhan oo wada tashi ah, kuna saabsan dilkii Sheekh Maxamed Dubad Xirsi Cagoole, oo ay dhawaan si fool-xun oo fulaynimo ah ugu dileen niman dabley ah, oo uu Janan Jwxo-shiil, ku soo agaasimay lacago ay dawlada Eritrea bixisay.
Waxaa shalay Feb 23, 2011 magaalada Nairobi caasimadda wadanka Kenya ka dhacay shir si heer sare ah loo soo agaasimay oo ay isugu yimaadeen qoyska reer Ugaas Warfaa Ugaas Xirsi oo isugu jiray culumaa’udiin, odayaal, suldaamo, ugaasyo, aqoonyahano, indheergarad iyo dhalinyaro, dadkaas oo ka kala yimid dhamaan waddanka Kenya goboladiisa.
Shirkaan oo hadafkiisu ahaa wada tashi qoyska dhexdiisa ah wuxuu socday muddo dheer oo la isku waydaarsanayay aragtiyo iyo fikiro farabadan waxaana ugu muhiimsanaa falal dambiyeedyo taxane ahaa oo beryahanba lala beegsanayay qoyska oo uu u dambeeyay dilkii foosha xumaa ee fulaynimada ahaa ee lagu dilay marxuum SH.Maxamed Dubed Xirsi Allaha unaxariistee ayna ka horeeyeen falal khaarijin ah oo noocanoo kale ah oo ka kala dhacay Soomaaliya, Ethiopia iyo waddankan Kenya.
Kulankaas waxaa qoysku isla gaadhay go’aamo cad cad oo muujinaya mawqifka qoyska, qodobadii la isla gaadhayna waa kuwan hoosta ku xusan:
1. Waxay dhamaan qoysku si wadar ah isagu raaceen in ururka Nabad-diidka ah ee ONLF-ASMARA ay iyagu masuul ka ahaayeen ficilkii dilka ahaa ee loo gaystay Marxuum SH. Maxamed Dubed Xirsi Alaha unaxariistee.
2. Qoyska Reer ugaas Warfaa xirsi wuxuu cadaynayaa in gebi ahaanba ay kasoo horjeedaan mashruuca Nabad-diidka ah ee ururka ONLF-ASMARA,uuna qoysku taageersanyahay nidaamka nabada ee ay hormuudka utahay dawlad degaanka soomaalida-Ethiopia.
3. Qoysku wuxuu isla qaatay in la xoojiyo mashaariicda horumarineed ee uu ubaahanyahay gobolka Qoraxeey khaasatana magaalada Qabridahare oo ay ugu horayso dhanka waxbarashada,caafimaadka iyo guud ahaanba horumarka gobolka oo uu ahaa hadafkii uu u dhintay alaha unaxariistee Marxuumku.
4. Qoysku wuxuu usoo jeedinayaa baaq nabadeed dhamaan bulsho waynta degaanka soomaalida Ethiopia isagoo ugu baaqaya inay iska kaashadaan Nabada iyo horumarka ismaamulka soomaalida iyo sidii hal dhinac looga soo wada jeedsanlahaa cid kasta oo nabada diidan ama caqabad ku ah horumarka degaanka.
5. Wuxuu qoysku cambaaraynayaa ururka nabad-diidka ah ee ONLF-ASMARA oo isagu caadaystay inuu isku dayo inuu fitno ka dhex abuuro beelaha walaalaha ah ee ogaadeen,wuxuuna qoysku ogyahay cidii ka dambaysay falkii dilka ahaa, kuwii soo abaabulay iyo cidii gacanta lahaydba.
6. Waxay qoysku isku raaceen in inta yarta ah ee sida laab la kaca ah isaga taageerta kooxda Asmara in loo digo cidii ka waantoobi waydana uusan qoyska u tirsanayn lana takoorayo.
7. Gebogabadii wuxuu qoysku sameeyay guddi wixiii hawl ah ee dhiman soo dhamaystira.
8. Waxaan ilaahay ka baryaynaa inuu naxariistii jano siiyo marxuum Sh.Maxamed Dubed Xirsi dhamaanteena sabir iyo iimaan inaga siiyo.
Go’aamadaas kor ku xusan waxaa u dhamaa qoyska oonan halkan magacyadoodii kusoo wada koobi Karin tiradoo badnayd awgeed oo ay ugu horeeyaan hogaankoodii waxaana ka mida:
1- Caliguhaad Cabdille Fiixiye
2- Aaden Haybe Cabdille
3- Sheekh xuseen Khaliif
4- Sheekh xuseen Cabdulaahi
5- Cabdi Magan Khalaf
6- Sheekh AxmedNuur Maxamed Biixi
7- Sheekh Cabdulaahi Faarax Taraar
8- Sheekh Muxumed Ileeye
9- Ibrahim Xaaji Warfaa
10- Yusuf Sheekh Muxumed
11- Cabdulaahi Maxamed Budul
12- Maxamed-Deeq Suldaan Maxamud Haybe
13- Maxamed Cumar Cali(Taksiile)
14- CabdiWahaab Axmed Nuur(Bacaad)
15- Seekh Maxamed Cali Taraar
16- Sheekh Cabdiraxmaan Maxamed Cabdulaahi(Cabdi mahad)
17- Cabdiqaadir Maxamed Xaaji(sudani)
18- Cabdicasiis X.C/Laahi(Qoraxeey)
19- Cabdiwahaab Caydiid
20- Liibaan Coloow
21- Carab Maxamed Yusuf
22- Cabdinaasir Xaaji Cabdulaahi
23- Axmedraage Maxamed Cismaan
24- Dr Cumar-Khadiib C.M.Kuluc
25- Weli Cabdulaahi Cabdi Giire
26- Cabdiwali Macalin Maxamed Cumar
27- Cabdirisaaq Xaaji Catoosh
28- Maxamed Cabdulaahi Cawl
29- Cali Laayaan Duulaan
30- Ibraahim Makhtal Diiriye
31- Maxamed Daahir Cabdi
32- Axmed ismaaciil Sayid
33- Muxumed Cumar Biixi
34- Axmed Yaase Cabdulaahi
35- Faysal Dahir Bootaan
36- Baari Cali Xaaji warfaa
37- Qadri Axmed Dable
38- Axmednuur Xasan Khaliif
39- Maxamed Axmed nuur(Awliyo)
40- Maxamed Cabdi Odal
41- Cabdulaahi Sh.Maxamed
42-Cabdulaahi Cusmaan Xirsi
43- Abdisamad Axmed Gayac
44- Cabdicasiis Maxamed Waylaaq
45-Cali Cabdi Xuseen
46- Maxamed Cismaan Sulub
47- Maxamed Maxamuud Xaaji(Jacayl)
48- Axmed Muxumed Shiil
49- Maxamed caynaanshe sulub
50- Cali Xuseen Cali
51- Cabdiraxmaan Axmed Cali
52- Maxamed Cabdi Raasin
53- Cabdiqaadir Xaaji Cabdulaahi
54- Xuseen Maxamed
55- Axmednaasir Sh.Maxamed Cabdi(Guudle)
56- Mukhtaar Maxamed C/raxmaan
57- Cadnaan Muxumed Xasan (Taani)
58- Cabdikariim Xaaji Cali
59- Axmed Maxamed Barkhadle
60- Cabdinaasir sh.Maxamuud(Taqaabun)
61- MaxamedRashiid Sh.Maxamed(Shariifka)
62- Xasan Cabdulaahi Caydiid
63- Maxamed Axmed
64- Bashir Axmed Ileeye
65- Maxamed Maxamud Cabdulaahi
66- Cabdifataax Yusuf Urur
67- Yusuf Faarax Caloow.
68- Cawaale Axmed Dahir
69- Maxamed Aden Shiil(Ikhyaar)
70- Mukhtaar Maxamed C/raxmaan(wiji waaji)
71- Shiine Ismaaciil Sayid Cabdi
72- Maxamed Xaaji Ismaaciil
73- Maxamed Daahir Bisle
74- Maxamed Muxumed Xasan
75- Aden Faarax caloow.
Nairobi, Kenya
rasaasa.com