Beesha Reer Ugaas Kooshin oo ka Gawshaysata in Birqod ay Raacdo Gabalka Jarar

 

Beesha reer ugaas kooshin waxay aad ugu faraxday in tuulada Birqod ay degmo noqoto,  islamarkaasna waxay ka xumaatay in degmada Birqod la raaciyo gabalka Jarar, ‘Birqod waxay waligeed ka tirsanaan jirtay degmada Shekosh ee gabalka Qoraxeey’.

Beeshu waxay aad u duniyeysaa qaadana karin in degmada Birqod oo ay muddo dheer sugayeen in degmo loo magacaabo, in si khaldan oo ayna raali ka ahayn loo raaciyo gabalka Jarar.

Beeshu waxay ku doodaysaa, in degmada Birqod, meel kasta oo la raaciyo ay dadweynaheedu maamul la wadaagi doonaan gabalka Qoraxeey.

Beeshu waxay ku jirtaa wada tashi, waxayna ka soo saari doontaa go,aan wada jir ah oo ay ku muujinayso waxa ay ka qabto in degmada Birqod ay ka tirsanaato gabalka Jarar.

rasaasa.com