Beesha Maqaabul oo Soo Saartay 2 Liisto oo Is-khilaafsan, Magacyada Liistada Ayaa Badi Isku Mid ah.

 

Labadan Liisto, mid waxay taageersan tahay Nabada ka dhacday dhulka Somalida Ogadeeniya, liisna waxaa uu diidan yahay nabada wuxuuna jecel yahay colaad. Hadii aad u fiirsato magacyada ku jira labada liisto waxaad ka heli labadaba magacyo isku mid ah oo marna nabada diidaya marna nabada doonaya.

Waxaad moodaa liistooyinka in ay dad dano gaar ah leh oo ka mid ah beesha Maqaabul in ay iska soo qorteen magacyada beesha iyaga oo aan waxba la socod siinin dadka ay magacyadiisa qorteen.

Beesha maqaabul waa beel balaadhan, waana beesha ugu muhiimsanayd 18 sano ee ugu dambaysay hogaaminta siyaasad Dawlad degaanka Somalida. Waxaana beesha ka dhashay Cabdirashiid Doolane Rafle oo hore madax uga noqday dawlad degaanka Somalida, eeggana ah safiirka Japan u jooga dalka Itobiya, waxaa kale oo ka soo jeeda Daa,uud Maxamed Cali, oo doorashadii ugu dambaysay xilka ka degay.

Xiligii ay ragaasi madaxweynaha ka ahaayeen dawlad degaanka Somalida dad badan oo joogay Jijiga oo nabada u ololayn jiray ayaa waxay ku jiraan liiska colaad doonka. Waxaad moodaa in dhaqankii Somaliya ee ahaa kolka ay liiska iska waydo in ay mucaarad bilowdo in uu degaanka Somalidana soo gaadhay.

Beeshu waxay ka mid tahay beelaha reerka Ogadeen ugu firfircoon dhinaca siyaasada waxayna xuduud dheer kala leedahay dalka Somaliya gabalka ay beeshu degto ee Doolo.

Maadaama ay beeshu tahay beel balaadhan, waxaa dhab ah in laga heli dad badan oo qaarna nabadiid yahay qaarna nabad doon yahay.

Waxaan baryahan arkaynay in beelaha Ogadeenku ay soo saarayeen Baaqyo ay ku taageerayaan nabada ka socota degaanka Somalida. Beelaha waxaa ku jira cid walba beelna in ay dagaal ama colaad ku baaqdo waa arin aan wanaagsanayn, waxayna beeluhu had iyo goorba taageeraan waa nabada, laakiin dad siyaasiyiin ah waxay doonaan ayey sheegi karaan.

Waa markii ugu horaysay ee beel ka soo jeeda degaanka Somalida ay soo saarto baaq ay nabada ku diidayso oo ay ku doonayso colaad lala galo dawlada Itobiya, arintaasi waxay leedahay xumaanteeda cidii qortayba.

Waxaana dhab ah in ayna beesha Maqaabul doonaynin in colaad lala galo dawlada Itobiya, waxaanan odhan karaa dadka soo qoray liistadan colaad doonka ah in ay ku khaldameen magaca beesha Maqaabul.

Waxaan filayaa in taas ay ka soo horjeedo beesha Miyir walaal oo jecel in ay nada ka qayb qaadato, kuwaas oo hore beel beel ahaan u soo saaray baaqyo nabadeed.

Si kastaba ha ahaatee waatan liistada nabad diidka ee beesha maqaabul lagu sheegay oo laga soo xigtay Shilabonews.com, waa hadiiba ay dadkaasi raali ka yihiine;

1-Ambassador Dr Faarax Daahir Afey [xubin baarlamaanka Somaliya DKFS]
2 -Xasan Cali Talo-Diid
3 -Dr Cabdalla Sheekh Muxumed Iraad.
4 -Dr Axmed Yaasiin Sheekh ibraahim
5 -Coloniel cabdulqadir Afey Maxamed.
6 -Cisman Bedel Maxamed
7 -Dr. Abdirashid Cabdullahi Ali
8 -Cabdinasir Sheekh Biixi.
9 -Cabdi Cali Xirsi ( Kamas )
10 -Maxamed Xassan Oomaar.
11 -Cali daahir Nuur Jiri
12 -Mustafe Sheekh Xuseen
13 -Cabdinuur Dhegacade
14 -Sh-Adem mohamed abdisalam
15 -Abdinuur Abdulahi Abdisamatar
16 -Ali wacays cumer guuleed
17 -Abdi adem ahmed
18 -Asad abdi ali
19 -Ibraahim sh Abdulaahi
20 -Abdirahim sh muxumed abdulahi
21 -Rufaaci Isaaq sh Mohamed
22 -Mohamed Abshir Caynab
23 -Farxaan Maxamuud Mohamed [gabangaab]]
24 -Ahmed Mohamed aw Aaden
25 -Mohamed maxamuud mire
26 -Yuusuf Daahir sh yuusuf
27 -Sahra sh Abdulaahi
28 -Daahir Faarah ibraahim
29 -Mustaf mohamud mohamed
30 -Asad Abdi Ali
31 -Haji Ahmed Guled
32 -Sh Xuseen Ismaciil Daahir
33 -Faisal Mursal Ahmed
34 -Mohamed C/Lahi Nur
35 -C/Rashie Ahmed G/Qaad
36 -Jamac Maxamud Xoosh
37 -Abdirashid Xaashi waal
38 -Ducale Sheekh Farah
39 -Xassan Sheekh Iraad.
40 -Maxamed Cali Axmed
41 -Qorane Xasan Muxumed
42 -Maxamed Hassan Biikole
43 -Ali Mohamed Yarow
44 -Maxamed deeq Aw-Ahmed
45 -Cumar Yusuf Xaaji
46 -Abdirashiid Abdulkaadir Cirro
47 – Abdulaahi Colaad Sacle
48 -Mohamed Abdulaahi Hassan ( ASfow)
49 -Dahabo Cumar HIrsi
50 -Haliimo Hirsi Dhuub ( Shilaabo.)
51 -Canab Jamac
52 -Yuusuf Abdi Sulub
53 -Abdi Casiis Dubad
54 -Ahmed Abdulaahi
55 -Ahmed Yuusuf
56 -Abdinasir Abdulaahi Tarabi
57 -Abdulaahi Caydiid Abdi
58 -Amina Maqtal Rafle
59 -Muxubo Aadan Handal
60 -Abdi Casiis Goodaad
61 -Xukun Badal Jibriil
62 -Abdulaahi Cabaas
63 -Muxumed Mirre Xassan
64 -Ingineer Axmed Kamal
65 -Abdiqafar Suldan dulane Rafle
66 -Sheekh Abdirahman Ciid Dahir
67 -Xassan Abdirahman Suldan dulane
68 -Coloniel Cabdulli Cali weyd
69 -Coloniel casbukllahi qarane
70 -Shiino Maxamed Xakaar
71-Maxamed Farah Guhad (xayraan)
72-Hibo Abdi Cali
73-Hibo Maxamud maxmed
74-Maxamed Ibrahim Muse
75-Maxamed Cali Axmed
76 -Caaqil Maxamed Axmed Qorane
77 -Ruqiya Xirsi Axmed
78-Amina Yusuf Macalin
79-Mustafe xuseen Adan
80-Cabdirahman Xassan Cali
81-Ahmed Abdi nuur
82 -Xuseen Mire Xassan
83 -Sahra Isaaq Sheekh-Maxamed
84 -Cabdullahi Faysal Faarax
85 -Asad Sheekh Maxamed Cali
86 -Gaydh Sheekh Maxamed Cali

xigasho: shillabo.com, Ogadentoday.com

rasaasa.com