Beesha Camar oo Dooratay Ugaas Cusub

 

kullan ay isugu yimaadeen odayaal, waxgarad, aqoonyahano, culumaa’udiin iyo dhalinyaro ka tirsan beesha Camar oo kala jooga daafana dunida  ayay si aqlabiyad ah Ugaaska beesha ugu doorteen Ugaas Qurxiye oo noqanaya ugaaska cusub ee beesha.

Beesha Camar oo ka mid ah beel weynta Absame ayaa dooratay Ugaas cusub oo lagu magacaabo Ugaas Muuse Sh. Maxamed oo ku magac dheer “Qurxiye”, Ugaaska oo u waramay Rasaas.com ayaa jeedinaya baaq ku socda odayaasha dhaqanka Soomaaliyeed.

Beesha oo degaan ahaan degta Ogedeniya, gobolka waqooyi barri ee Kenya iyo Soomaaliya ayaa daruuri u aragtay in ay ku caano shubtaan ugaas cusub si danaha reerka iyo dariswanaaga kala dhaxeeya beelaha kale ay u noqdaan kuwa si habsami leh u dhaqangala.
Wariye u shaqeeya Rasaas.com, ayaa qadka taleefoonka ku waraysatey ugaaska cusub Ugaas Muuse (Qurxiye) oo ku sugan cariga maraykanka, Ugaas Qurxiye waa nin oday ah oo si weyn looga tixgaliyo Soomaalida dhexdeeda, gaar ahaan deegaanadii uu ku noolaan jirrey iyo hadda meesha uu ku noolyahay.

Isagoo noo waramayay ayuu jeediyey baaq ku socda salaadiinta Soomaaliyeed meel kasta oo ay joogaan, wuxuu yiri “waxaan baaq u jeedinayaa salaadiinta Soomaaliyeed meel kasta oo ay joogaanba, waxaan ugu baaqayaa maadaamaa ay iyaga ummada mas’uul ka yihiin waa in ay isu yimaadaan kana wada hadlaan danaha Soomaaliyeed, waan ka daalnay in dad kale ay shirar dibbada noogu qabtaan oo noo yeeriyaan waxa ay doonaan, waxaan idin leeyahay isugu imaada geedkii jillaca lahaa hoostiisa ee garta lagu goyn jirrey, halkaasina aan ku xallino mashaakilka heysta ummada aan mas’uulka ka nahay”.

Sidoo kale waxa uu baaq u jeediyey guud ahaan beesha Camar oo uu ugu baaqay in ay ka qeyb qaataan hormarinta ummada Soomaaliyeed meel kasta oo ay joogaanba. Wuxuu kaloo ku booriyey in ay hormariyaan qodashada beeraha si markaasi ay u yaraato dhibaatada kaga timaada dhaqashada xoolaha nool oo ay beesha si weyn u dhaqato.
Ugaas Qurxiye waa nin darajo ciidan ka gaaray Gaashaanle Dhexe ee ciidamadii qalabka siddey ee Soomaaliya, wuxuu ka mid ahaa ciidamadii ka qeybgalay dagaalkii 1977, gaar ahaan wuxuu ahaa raggii tabobari jirrey ciidamada, wuxuu tabobaray guutadii Axmed Gurey loo yaqiiney.

1951 dii ayuu ku dhashay magaalada Burco oo ay degenaayeen reerkooda, aabihiis wuxuu ahaa caalim diinta islaamka isagoo xiligaasi imaam ka ahaa masaajid Burco ku yaala, wax yar ka hor xoriyadii ayay reerka u guureen  Wardheer, kadibna  Walwaal ayay u wareegeen halkaas oo uu aabihiis Sheekh Maxamed ku geeriyoodey, kuna aasanyahay, kadib Ugaas Qurxiye oo shan iyo tobon jir ah ayuu Soomaaliya kusoo laabtay.

Kacaankii ka dib ayuu ciidamada ku biirey isaga oo markaasi soo dhamaystey warbarashada heer illaa dugsi dhexe, 1983dii ayuu Ugaas Qurxiye ka fariistey ciidamada kuna biirey ganacsiga gaar ahaan ganacsiga dawada.
1995 tii ayuu Ugaaska u dhoofey dalka Maraykanka halkaasi oo illaa manta ku noolyahay, laguna doortay.

Qaar ka mid ah magacyada waxgaradka Ugaaska Doortey

  1. Sheekh Cabdirashiid Sheekh Cali Suufi
  2. Duwane Sheekh Maxamed
  3. Nabadoon Maxamuud Xusseen Laag
  4. Abdifataax Sh. Ali Bashiir
  5. Bashiir Sheekh Ali Suufi
  6. Hirsi Rashiid Doolaal
  7. Cabdirizaaq Cabdullaahi Ibraahim
  8. Cabdiqaadir Aadan
  9. Axmed Ibraahim Sheekh
  10. Cabdirashiid Cabdullaahi Ibraahim
  11. Rashiid Xassan Yaable

Iyo dad kale oo farabaddan oo aanan magacyadooda halkan kusoo koobi karrin.