Beeni Raad Ma Leh

 

Beentu waxaa ay ka mid tahay calaamadaha Ehelunaarka lagu yaqaan, Hoosaasinta halganka Somalida Ogadeeniyana waxaa lagu yaqaan kooxda Khaatuma-xun ee qabiil ku xoogsiga ku jirta ee kooxda Jwxo-shiil, kuwaas oo afka dhulka u galiyey halgankii aanu ku xoolo iyo dadba beelay.

Qormadan aanu ugu magac daray beeni raad ma leh, ayaanu isku dayi doonaa in aan qalinka ku saxno quluubta qasan ee qoomiyada Somalida Ogadeeniya. Waxaan marar badan ku soo saaraa boggan qormooyin aanu is lee nahay waxay wax ka ka tari karaan, qaska ay halganka ku wadaan kuwa isu bahaystay baabi,inta halganka oo uusan garaadkoodu dhaafsanayn yaan lagaa dambayn.

Waxaanu maanta qormadan ku soo qaadanaynaa beenta qaawan ee ay qawlaysatada Jwxo-shiil ku qufaan qoladaha ay wax ku qoraan. Bi,in aadamku in kasta oo uu haysto diimo kala kuna iyo dhaqamo kala duwan, hadana waxaa jirta wax uu ka siman yahay oo ah ka xayashada xumaanta iyo xulashada wanaaga. Waana wax uu dadku kaga gadisan yahay xayaawanada kale ee uu Eebe abuuray, xayawaanku waa yaqaan ilmahiisa wuuna gartaa wuuna yaqaan baahidiisa, waxaase uu binaadanku kaga gadisan yahay wax qabadka caqliyeysan ee uu ku kala garto xumaanta iyo wanaaga.

Xishoodku waxaa uu ka mid yahay xaaladaha uu kaga gadisan yahay xayawaanka kale, arimaha galmoodku waa wax caadi ah oo nolosha nolaha la xidhiidha, waana la qariyaa xigmad ayaa ka dambaysa. Hadii aan la qarin lahayn oo banaanka ay isku arki lahaayeen labka iyo dhadigu maxaa dhici lahaa baad is leedahay, waxaa dhici lahayd aduunku wuu baa,bi lahaa mana lahaadeen sharafta uu maanta lee yahay.

Arintan waxaa u dhiganta ka xishood la,aanta beenta, ka xishood la,aanta beenta oo aad ugu soo badatay baryahan dambe qaar ka mid ah dadweynaha Somalida Ogadeeniya ayaa waxaa gardaadiyey oo guneeya Jwxo-shiil, waxaana uu ku gardaadiyey kuwa ugu liita dadweynaha Somalida Ogadeeniya, arintaas oo saamaysay halgankii ay ummadu lahayd. Waxaa maanta socota in dadweynaha Somalida Ogadeeniya uuba is aamini waayo, hadii ay noqoto wax sheeg iyo wax qabad labadaba, arintan foosha xun waxay mar hore ka dhax bilaabatay Jwxo, waxayna ku fiday qaar ka mid ah dadweynaha oo aan haatan dawo lahayn.

Somalida Ogadeeniya oo ahaan jirtay dadka ugu sharafta badan ummada Somalida dhinacyada dhaqanka, ayaa waxaa baryahan dambe waxaa aad ugu soo batay arimo aan awal hore jiri jirin, haatanse aad moodaba in ay dad badani caadaysteen kuwaas oo bi,inaya sharafta ummada Somalida Ogadeeniya.
Waxaa dhacda in bil gudaheed lagu soo qoro boggaga Jwxo-shiil in dal walba oo dalalka reer galbeedka ay qoraan in shir lagu qabtay, waxaad dhihi war meesha la sheegayo in shir lagu qabtay anaaba dagan sidee wax u jiraan ma habeenkiibaa shirka la qabtaa, waa shir aan waxba ka jirin. wax alaale wax ku xaqsanaya garan maysid dadka waxaas qoraya.

Waxaa iigu qosol badnayd maalin aan tagay qol ay qolo hindi ah lee yihiin oo ay isugu yimaadeen 3o ruux oo Jwxo-shiilo ah, waxaa la saaray muusik, 30 ruux baa intay istaageen laabta qabsaday oo heestii wax ka qaaday, waxaa la sheaaegay in uu Maaye war bixin ku saabsan dhulkii ina siinayo. waxaan is lahaa waa ruux dhulkii hada ka yimid, saa waaba nin af raxanweyn ku hadlay, oo sida la ii sheegay soo maray qixii Somalida dhulka Ogadeeniya. wuxuu akhriyey liis in todobaadkan dhexdiisa meel hebla woyane lagaga dilay 170 askari, meel hebla 150, meel hebla 90, meel hebla 210, waxaa uu sheegay in muddo 2o maalmood ah laga dilay Itobiya 2500 askari. waxaa kale oo uu sheegay in meel hebla ay ciidamada woyanaha ku dileen 110 ruux oo shacab ah, meel hebla 70, meel hebla 300 ruux in mudo 20 maalmood ah la dilay 3000 oo ruux iyo xoolo aan xad lahan.
Intaan hareeraha dhawray oo aan garan waayey aakharo iyo aduun midka aan joogo ayaan albaabka ka booday subxaana lahaa, laa xawla walaa quwata.

Arimahan halaaga ah ee ay beentu ugu horesya waxaa usha u haya Jwxo-shiil, Jwxo-shiilo iyo Jwxo-shiilada, saddexdan kooxood oo ay aad ugu yar tahay aqoonta Islaamka iy xayada aadaminimo ayaa waxay u horseedeen halaag wax yeelo u gaystay halganka Somalida Ogadeeniya oo haatan xaalkiisu aad u xun yahay.

Kooxdan; waxaa ay ku nool yihiin dalalka reer galbeedka, kuwooda da,a ahi waxay ku nool yihiin lacago kaalmo ah oo la siiyo dadka duqayda ah [wlfare penssion], kuwooda da,a dhaxaadka ahina waxaa ay ka shaqeeyaan Bakhaaro, darawaliinimo, nadiifiyeyaal iyo caruuro ka saaqiday tacliintii, mana jiraan wax dhibaato nololeed ah oo ay qabaan marka laga reebo caajis ku dhex haysta guryahooda.
Ma halgan bay dadkani wax ka og yihiin oo halgan bay wadaan mise maararow bay wadaan, hool ay caruur iyo haween isugu yimaadaan halganka waxba ku kordhin maayaan. Shir xin loo qabtay oo aanay jirin ujeedo ka dambaysaa ee ah waxaan tusaynaa in aan shir qabanay garabka Golaha Sare ee uu Saalax hogaamiyo ma halganbaa, waa midaas waxa uu ku jiro Jwxo-shiil, Jwxo-shiilo [qabiil ku Jabhad] iyo waliba Jwxo-shiilo [cuqdad ku Jabhada].

Nasiib darada haysata bulshada Somalida Ogadeeniya, dadka heerkaas kaga jira bulshada, waxaa ay sida ay doonaanba ha u dhacdee ay soo dhax galeen halgankii ay waday Jabhada Wadaniga Xoreynta Ogadeeniya [Jwxo] oo kolkii hore ay hogaankeeda wadeen dad aqoon leh oo lagaga dambeeyo jeexida tubta siyaasadeed ee uu marayo halganku. Waxaa hal mar jihadii badalay kolkii uu soo dhax galay halganka Mr.Jwxo-shiil, madaama uu ahaa nin waayo arag u ah sida loo hawl galiyo dadka ma kasta ah oo uu ka bartay xiligii shuuciyada ee Somaliya.

*Waxaa uu kolkii ugu horesyayba uu samaystay kooxahan;
1. Waxaa uu shaqaaleeyey dad badan oo qabiil ku soo galay Jabhada
2. Dhaqaale ay helidiisa masuul ka yihiin Habro iyo Odayaal beel ah
3. Dad Jaahiliin ah oo aan waxna akhriyin waxana qorin [Ilitrate]

Waxaa arintaas ka soo horjeeday oo uu meesha ka saaray isaga oo adeegsanaya kuwan kore;
1. Shuruucdii Jabhadeed
2. Dadkii Aqoonta lahaa
3. iyo Run ku dhaqan

*Dadkii la shaqaaleeyey ee qabiilka ku yimid waxay bilaabeen in ay meel walba buuxiyaan iyaga oo aan ka gabanaynin xushmayna dadka ka shaqeeya hawlaha Jwxo, tusaalena waxaa u noqon kara dhinacyo badan sida dhalin yarada [Fu,aad Cali Cumar Cismaan], xuquuqda Insaanka [Sulub iyo Fawsiya], Hooyooyinka [Afada iyo Camro dheer], Jaaliyadaha [Maxamed Macalin Seedi] iyo dhinacyo badan oo kale.
Dhaqaalaha helistiisa waxaa lagu uruuriyaa si beelnimo iyada oo gabadh iyo wiilba loo sheegayo in la garab galo Jwxo-shiil, lana qoondeeyo sida ay doonaanba ha ku keenaane [bishii $150.00 USA] iyo waliba inta madax gaabnida ah, waxaa iyana dhaqaalaha u xil saaran dad badan oo ay xigto yihiin Jwxo-shiil.
Qaybta saddexaad ee iyagu ugu  sii daran ayaa waxaa ay yihiin kuwii bulshada ugu aqoonta gaabnaa, balse wax loo sheegay oo uusan aqlina celinaynin aqoona celinaynin. Waxaana uun ay garanayaan halgan, nidaamka la marayo iyo wax uu u baahan yahayna ma ay garanayaan, waxaa la yidhaahdaa Jaahilku ma xishoodo, waxaana daliil u waxayaabaha ay qorayaan oo marnaba ayna bulshadu liqayn. Jwxo-shiil oo sida la sheegay dhintaday bishiil February 2009, in ay todobaad walba yidhaahdaan Dhambaal buu soo diray, ma aakharo ayuu ka soo diray iyo waliba warar kale oo lagu jidiin jabayo.

Beenta aan raadka lahayn, iyo abuurida wax aan waxba soo kordhinaynin, waa astaamaha lagu yaqaan munaafiqiinta, Hadii ay maanta kooxda Jwxo-shiil in uun ay ku jirto xigmada ah ayna u danaynayaan dadweynaha Somalida Ogadeeniya, waxay samayn lahaayeen in ay dabada kaga saftaan Hogaanka Jabhada Wadaniga Xoreynta Ogadeeniya ee haatan haya wada xalaasha ah.

Todobaadka dambe ayaanu qormo kale oo Beeni Raad ma leh soo bandhigi doonaa.

Arimaha Jabhada
rasaas baa runta sheegee rafiiqaaga ka yeelo