Baroor Diiq: Saado Cali Ogaadeeniya waxay innooga Tagtay Muuqaalkan!

 

Sphoto49aado Cali Warsame Allaha u naxariiste mahan qof si dhib yar lagu illaali karro, mahan qof Cadaaladeeda in la illaawi karro, Saado Cali waxay ahayd Allaha Yarxam Aqoonyahana, Waddaniyad, Fannaanad, Siyaasiyaad, waxay Ummada Soomaali u ahayd Xiddig.

Saado Cali waligeed ma tagaeerin Dulmi, qof waxay ahayd codkar ah, Geesiyad ah, Codkeeda aan la baqin, Saadi Dilkeeda waa mid Siyaasadaysan, waayo waa la garan karaa Baabuurkii dilay, Iyo Cidii dishay waana la soo qaban karraa, Saado waxaa ka hadlay Caalamka oo dhan, Dowlada Maraykanka, Midowga Yurub, Iyo Hay,ada adduunka ee u dooda Xuquuqda.

Dilka Saado mahan mid laga hadhi doono, illaa la ogaado meesha laga soo agaasimay, waxaana Dilka Saado uu noqonayaa mid Muqdisho aan la isku halayn karrin.

Shacabka Soomaalida Ogaden Saado waxay u ahayd qof qalbooda ku jirta, qof aad loo jeclaa, qof loo ilmeeyay Geerideeda, qof aan la illaawi karrin, Saado waxaan ku xasuussan doonaa Muuqaalkan korre Iyo Kuwo baddan oo kalle.