Barakicin ka Socota Gabalka Sitti

 

Ethiopian border expenssionQorshayaashii hormarineed ee Atobiya ku baaqday afar sano ka hor oo dhul boob isubadal.

Afar sano ka hore Atobiya, waxay bilowday qorshe ay ugu yeedhay qorshaha koboca iyo isbadalka shanta sano [growth and transformation plan].

Qorshahan wuxuu bilowday 2010. Sida la aaminsan yahay labo ujeedo ayaa si gaar ah loogu beegsaday degaanka Somalida; dagaalka ONLF iyo  dhul boob.

Atobiya waxay kaga faaiidaysatay qurbo joog badan oo u dhalatay degaanka Somalida Ogadeniya cadho ka dhalatay khilaaf dhexgalay ururka ONLF, 2010. Khilaafkaas oo xumaantii ka dhalatay ay  jilbaha dhulka ugu dhufatay halgankii dheeraa ee ay ONLF, u soo gashay xoraynta Somalida Ogadeniya.

Atobiya, iyada oo arintaas ka faa,iidaysanaysa waxay ku baaqday in ay wax ka qaban doonto dib u dhaca ka jira degaanka Somalida. Waxay ku andacootay, in degaanka Somalida uu aad uga dambeeya degaanada kale, waxay dawladu sheegtay in ay wax ka qabanayso dhinacyada;

– in dib u dajin loo sameeyo xoolo dhaqatada iyo danyarta tuulooyinka degan.
– In baahida biyaha iyo Jidadka wax laga qabanayo.
– In warshad Sonkor iyo warshad Dhar laga dhisayo, gabalka Shabeelle.

Eissa Somali border Ethiopia-DjiboutiGabalada la sheegay in dib u dajin laga samaynayo, waxaa ka mid ahaa gabalka Sitti, Shabeele iyo Liibaan. Gabalada Shabeelle iyo Libaan oo ka durugsan maamulka Atobiya, way ku dhiiran wayday Atobiya ama waxay ahayd ku Riti kacsi.

Horumarinta ay Atobiya sheegtay in ay ka samaynayso degaanka Somalida, wuxuu isugu soo ururay dhul boobka iyo barokicinta ka bilaabatay gabalka Sitti, ee degaanka Somalida.

Dooxa Harawo ee gabalka Sitti, waxaa laga bilaabay sanadkii 2011 mashruuca wayn oo ceelal biyood laggaga qodayo, kaas oo sida la sheegay ka mid ahaa qorshayaasha dib u dajinta. Waxaa kale oo laga bilaabay jid Tareen oo cusub oo isku xidhaya Jibouti, Dire Dawa iyo Addis Ababa.

45 Ceel oo laga qoday Dooxa Harawo, waxay hawshoodu dhamaatay December 2013. Waxaana soo baxay qorshe ka badalan kii hore loogu sheegay dadka degan gabalka Sitti, oo ahaa dib u dajin.

Ceelasha biyaha ee Dooxa Harawo, waxay biyaha siinayaan dalka Jibouti. Waxayna hawsheedu socotaa goglida dhumaha biyaha qaada, dhul masaafa dhan 70 KM, oo u dhaxeeya degmada Hadhagaale iyo Jabouti.

Mashruucan wuxuu biyo gaadhsiinaya dalka Jabouti cadad dhan maalin walba 20,000 cubic metres. Lacagta ka soo xaroota biyaha waxay toos u galayaa Qasnada dawlada dhexe ee Atobiya. Waxaa kale oo Ceelashan looga faa,iidaysan doona waraabka beer suuf ah, oo uu maalgashaday Taajirka Sacuudiga ee Habarta Tigray dhashay Mohammed Al Amoudi.

Meesha waxaa ka baxay dib u dajintii hore loo sheegay, waxayna shacabka gabalka Sitti ku baraarugeen gabagabada mashruuca iyo heshiisyada Atobiya.

Gabagabo waxaa ku dhaw jidka Tareenka, Jabuuti, Dire Dawa iyo Addis Ababa, kaas oo hawsha ugu badan ee uu qabanayo ay noqon doonto, daabulida suufka iyo wax soo saarka warshad laga samaynayo dhulka Hadhagaale, Undhuftu iyo Cadaytu.

Dawlada Atobiya, ayaa ku wargalisay dadka degan degmooyinka Undhuftu, Hadhagaale iyo Cadaytu in ay baneeyaan, dhulkaas oo loo xukumay dhul danguud ah, oo ay dawladu leedahay. Arintaas waxaa gaashaanka ku dhuftay Ugaaska iyo odayaasha beesha Ciise, kuwaas oo qaarkood la xidhay.

Dawlada Atobiya, waxay keentay gabalka Sitti ciidamo federaal oo fara badan, waxayna doonaysaa in ay xoog kaga rarto dadka degan dhulkaas. Dadwaynaha gabalka Sitti, waxay ka horyimaadeen qorshaha Atobiya, waxayna ciidamo beeleed soo dhoobeen dhulka Miyiga.

Atobiya, waxay war ka sugaysaa fariin ay u dirtay Jabuuti, si ay ula hadasho odayaasha beesha Ciise iyo dadka dhulka laga kicinayo. Madaxwaynaha Jabuuti, ayaa xanuun dalka kaga maqan, Atobiya waxay tiigsanaysaa jawaabta iyo in arinta ay Jabuuti wax ka qabato.

Dirba waxaa ka bilowday dibada kacdoon xoog leh oo ka imanays qurbojoogta beesha Ciise, kuwaas oo bilaabay in ay ku biiraan ururka ONLF, oo dagaal kula jira Atobiya. Xubnaha Beesha Ciise ugu jira gobonimodoonka ONLF, ayaa diray baaq xoog leh, iyaga oo ugu baaqay in beeshu ka qaybgasho halganka Xoraynta iyo difaaca dhulka Somalida.

Atobiya, waxay qorshaysay kolka laga tago qaadashada gabalka Sitti, sidii ay dakada dalka Jabuuti, si nabadgaliyo ah kula wareegi lahayd, iyada oo taas u maraysa siinta biyaha iyo korontada. Waana xagla fidsiga ugu dambeeya ee ay Atobiya ku doonayso in ay ku soo xidho Somali xor ah.