Banka England oo Walaac ka Muujiyey Socodka Dhaqaalaha Ingriiska

 

London, November 16, 2011 [ras] – “Saadaasha ayaa waxay sheegaysaa in dhaqaalaha dalka ingriisku uu kasii xumaan doono sida uu yahay, wax dhaqaaq ahna ma samayn doono tan iyo August 2012,” sidaas waxaa yidh maamulaha banka Ingriiska.

Dhaqaala xumada soo food saartay dalka Ingriiska ayaa ah mid haysta dhamaan dalalka ku jira barwaaqo sooranka reer Yurub. waxaana sababa u ah dayman xad dhaafka ah ee ay galeen inta badan dalalka barwaaqo sooranku.

Sir Mervyn King, oo ah maamulaha Banka England, waxaa kale oo uu yidhi “dhibaatada daynta dalalka ku jira lcagta Euro-ga, waa mida kaliya ee khatar galinaysa dhaqaalaha Ingriiska.”

Baanka England wuxuu hoos u dhigay boqolkiiba hal [1%] koradhaka saadaasha dhaqaalaha sanadaha 2011/12.

Arintan ayaa timid xili ay tirada guud ee shaqo la,aanta dal weynaha Ingriisku  ay kor u kacday 129,000 mudo saddex bilood gudahood ah oo ku siman September, waxay tagtay shaqo la,aantu 2.62 milyan, oo in ka badan hal milyan ay yihiin dhalinyaro.

Shaqo la,aantii ugu balaadhnayd waxay jirtay 1994, koradhka shaqo la,aanta jajabka ayaa gaadhay boqolkiiba 8.3%, xiligaas oo ay shaqo la,aanta ugu badan jirtay tan iyo sanadkii 1996.

Sir King, ayaa yidhi “saadaasha dhibaatada dhaqaale xumo ee sii adkaanaysa  waxaan la qabnaa dalal badan.” “Qaabkan dabeecada deg dega ah ee istaaga koradhka dhaqaalaha aduunka bishii August ayaa la sii saadaaliyey in ay ka sii xumaan doonto.”

Waa dhab ayuu yidhi “in dhaqdhaqaaqa dhaqaalaha Ingriisku uu ahaandoono mid aan hore u socon tan iyo badhtamaha sanadka dambe.”

Tirooyinkii ugu dambeeyey ee tusmada isbadalka sicir bararka qiimaha badeecaduhu waxay tuseen in qiima bararka UK ay wax yar hoos ugu dhaceen 5% intii lagu jiray  bisha October, kaas oo ah bishii ka horaysay ahaa 5.2%.

Sir King ayaa yidhi “sicir bararku wuxuu gaadhay meeshii ugu saraysay, waxaana la filayaa in si xoog leh uu hoos ugu soo dhaco sanadaha soo socda.” Sicir bararka dalka Ingriiska ee sanadka 2011 ayuu ku tala galku ahaa in uusan dhaafin 2.%.

Xili adag ayaa horyaal dhaqaalaha dalka Ingriiska tirada shaqo la,aanta dhalinyarada da,adoodu u dhaxayso 16 ilaa iyo 24 jira, ayaa ah hal milyan.Waxaana la filayaa in tiradaasi ay ku siqdo 1.016 milyan, marka la eego warbixin uu soo saaray xafiiska tiro koobka dalka Ingriisku.

Xaashida xafiiska tira koobta ayaa tusaysa in haweenka shaqo la,aanta ah ay ka koradhay 43,000 ilaa iyo 1.09 milyan, waana tiradii ugu badan ee shaqo la,aanta haweenka tan iyo February 1988.

Tirada shaqo la,aanta ayaa koradhaysa meel walba oo UK ah, marka laga reebo bariga badhtamaha dalka, oo uusan ka jirin wax isbadal ah. Waqooyi galbeed iyo waqooyiga Irland ayey tirada shaqo la,aantu hoose u dhacday.

Sir King oo hadalkiisa sii wata ayaa yidhi “tirada shaqo la,aantu way sii kordhi, waxayna si weyn u saamayn UK dhinacyada ganacsiga, maalgashiga iyo kharajyada ay isticmaalaan qoysasku, inta ay jirto dhibaatda dalalka ku jira Euro ee nagu wareegsan.”

Tan iyo bishii August dhibaato adag ayaa ka jirta Yurub, taas oo uu culayskeedu sii socon doono. Waxaana sii xumaan doonta dhibaatada dhaqaale ee kownka iyada oo lagu nagaan doono isumiisaan la,aan iyo ku tartan la,aanta dhaqaalaha.

Dadka ka faalooda arimaha dhaqaalaha waxay leeyihiin marka ay kulmaan sicir barar iyo koboc dhaqaale oo hoose saadaashu waxay tusaysaa in Bangigu uu ku dhaafi doono lacagta dulsaarka qiime hoose oo ah 0.5% ilaa iyo 2013.

 

Maxamuud Qorane
mqorane@rasaasa.com

rasaasa.com