Baarlamaanka Kilalka oo Kulan Kadis ah ku leh Jijiga

 

baarlamaanka-k51Jijiga, Oct 17, 2014 – Galinkii dambe ee shalay waxaa kulan deg deg ah loogu yeedhay in ay isugu yimaadaan magaalada Jijiga baarlamaanka Kilalka.

Sida la sheegay kulanka baarlamaanka Kilalka waxaa codsaday madaxwayne Cabdi Maxamuud Cumar, lamana oga wax uu ku saabsan yahay kulankani.

Fadhiyada caadiga ah ee baarlamaanka kilalka ayaa dhaca sanadkii labo goor, laakiin madaxwaynaha kilalku wuxuu ugu yeedhi karaa kulan baarlamaanka xiliga uu u baahdo.

Sagaalka kilal ee ka jira Atoobiya oo ah kuwa kala awood badan ayaa waxay ka siman yihiin jiritaanka nidaamka dawliga ah. Nidaamka dawladnimo ee kilalka Somalida ayaa ah mid magac ahaan uun u jira, awooda oo dhana ay gacanta ugu jirto ciidamada dawlada dhexe.

Kulanka baarlamanka ayaa loo malaynayaa in uu daba socdo dhamaystirka khilaafkii u dhaxeeyey xubnaha xisbiga Kilalka,  kaas oo hadana u muuqda in madaxwayne Cabdi uu banaanka dhigay todobadii xubnood ee gudiga fulinta ee ay isqabteen. Inkasta oo ay muuqato in uusan haysan awoodii uu hore u lahaa oo ay jirto Ilka doofaar la sahansay, hadana waxaa la isleeyahay wuu dhamaysan bilaha uga dhiman xiligiisa.

Khilaafka Kilalka ayaa ahaa mid ka baxsan awooda Somalida una dhaxeeyay madaxda dawlada dhexe ee Atoobiya oo iskuhaysata loolan siyaasadeed.

Baarlamanka ayaa la filayaa in laga ansixiyo dhismaha cusub ee xisbiga iyo gudigiisa fulinta iyo waliba in uu madaxwaynuhu soo dhiso madax xafiiseedyada Kilalka.