Baaq Nabadeed: Suldaan Maxamed Siraaje Cabdisalaan

 

بِسْمِ اللَّهِ الرَّحْمَٰنِ الرَّحِي: Aniga oo ah Suldaan mohamed siraaje Suldaan C/disalaan dagan dalka Sweden waxaan baaq nabadeed u dirayaa dhamaan bulshada Reer Somaligalbeed meelkasta oo ay joogaan.

Walaalayaal waxaan idiin soo gudbin hayaa salaanta islaamka waxaan Allaah kabaryayaa in uu inaga aqbalo soonkeena bisha barakaysan iyo dhamaanba cibaadadeena.

intaas kadib waxaan leeyahay shacabka Reer Somaligalbeed/ama ogaden Region kunool ee Somaliyeed dhamaantood waxaynu go,aansanay in aan qaadano nabad dadkeena iyo dalkeenana in aan udanayno,shacabkeena nolashiisa in aan ka fikirno,nabadiisa in aan ka fikirno, fursada aan maanta haysano in aan ka fikirno, waana lagamamaarmaan walaaalayaal in aan xisaabtano.

Hadaba waxaan leeyahay dadkaykaw dib u fikira balka xisaabtama xabada socota wax yeeladeeda iyo wax tarkeeda isbarbardhiga.

Walaalalyaal caadifada qabiilka ah aan cilmiyeyno walaalayaal maanta dadka Reer Somali galbeed waxa ay uugu baahibadanyihiini waa nabad, dacwada iyo diinta oo guri kasta dhex gasha, waa aqoonta iyo tacliinta oo dadkeena laga dhiso, waa hurumarinta iyo dhismaha dalkeena baaba,ay oon dhamaanteen isugutagno, waa dalkeena oon dib ugu noqono oon dagno, waa dalkeena oon maalgashano.

Walaalayaal maanta waxaan lamidnahay ninkii yidhi dadkaygiina duunyo la,aanbay u dhimanhayaan duunyadaydiina dadla,aanbay udhiman haysaa oo micnaheedo yahay ninkaan tashanin wuu tabar iyo taagbeelaa, arintaasuna waxay ku timid waad garankartaan waa talo xumo talo xumana way ku dishaa. war aan ismaqalno. war aan wada hadalno isku danbayno nahaye.

rasaas.com