Baaq: Jaaliyada Somalida Ogadeeniya ee Dalka Norway oo Soo Dhawaysay Wadahadalka Nabada ee Dhexmaray ONLF iyo Itobiya.

 

Jaaliyada Noorway ayaa na soo gaadhsiisay baaqan taageerada ah oo ay ku taageerayso wadahadalka nabada ee dhexmaray ONLF iyo Itobiya, go,aan kaas oo ay ku tilmaameen go,aan geesinimo leh oo uu qaatay Gudoomyaha iyo Xubnaha ONLF.

Jaaliyadda Norway ayaan iyadu ka gaabinaynin marnaba in ay garab istaagto qof kasta oo wada wanaaga shacabka Ogaadeenya, ee ubaahan gacan qabasho xilligan la joogo.

Salaaxuddiin Maow gudoomiyaha ONLF, oo la dhihi karo waxa uu ku dhaqaaqay talaabo wanaagsan isaga oo kaga dayanaya, walaalihii Somali Galbed kuna hanwayn in uu garab istaago wax kasta oo danta shacabku kujirto.

waxanu og nahay maanta ninka aan ka nixin dhibka shacabka haysta in uusan u shaqaynaynin shacabkeena. Walaalaha Somalida Ogadeeniya waa in ay isgarabsadaan is ixtiraamaan wada shaqeeyaan danteenu waa mid, dalkeenu waa mid, diinteenu waa mi hadaba xaggee lagu kala tegi ninkii walaalkii ka tagay nin kaluu waataa.

Waa in loo adeego danta shacabka nabada la ilaaliyo wada hadalka la dhamays tiro
dhanka dawlada iyo dhanka ururada.

Gudoomiyaha waxaan ka codsanaynaa in uu meelkasta umaro danta shacabkiisa
taariikhda ayaad baal dahab ah kageli talaabada geesinimada ah ee aad maanta qaadatay

Guul iyo Geesinimo

rasaa.com