Baanka Ethiopia oo Qandaraas ku Bixinaya Dhisme 52 Dabaqa, oo Xarun u Noqon Doonta.

 
Shirkada dhismaha ee Salini oo laga leeyahay dalka talyaaniga ayaa cadaysay in ay aad u doonayso in ay dhisto dhismaha xarunta baanka ganacsiga ee Ethiopia.Shirkada talyaaniga ee Salini oo ka jawaabtay casuumad ah cidii xiisaynaysa samaynta jaantuska iyo dhismaha guri 52 dabaq ah, 20 shirkadood oo caalami ah ayaa iyana cadeeyey in ay doonayaan in ay qaataan qandaraaska mashruucan.Sanadkii 2009 ayuu baangiga ganacsigu gudoonsiiyey samaynta jaantuska [design] talabixiyaal la shaqeeya shirkada samaysa jaantusyada dhismaha ee [Henn architekten] oo Jarmal ah. Waxaana soo baxay waxyaabo badan oo ugu dambayntii keenay guul daro.

Saddex bilood ka hore baanku wuxuu soo saaray casuumad kale oo ah shaqo talo bixin ah iyo casriyeynta jaantuska dhismaha iyo wadadida hawshaba.

Baanka ganacsigu wuxuu ka dhex doortay shan [5] kaliya, 12 shirkadood oo tartamay oo isugu jiray kuwa dalka ah iyo kuwa caalami ah.

Shirkadaha la doortay waxaa ka mid ah Benza consultant, Al Ajimi oo Imarradka ah, JV-MH Engineering, Tata consultant Engineering Ltd oo Hindi ah oo ay wada shaqaynayaan Arup oo Koonfur Afrika ah, Geretta consultant iyo A1 consultant Group oo maraykan ah oo lashaqaynaysa Perkins, Arab consultant Engineering Ltd oo Masari ah, Heery, Kothri oo Hindi ah iyo Klings consultant construction oo Jarmal ah.

Baanka ayaa kulan la yeeshay shirkadaha loo doortay tartanka, iyaga oo lagala hadlay tartanka iyo waliba waxayaabo lagu kordhin doono tartanka. Shirkadaha waxaa lagu waajib yeelay in ay soo gudbiyaan damaacigooda tartan ugu dambayn bisha December 15, 2012.

Baanku, wuxuu wax ka badalay jooga dhismaha oo kolkii hore ahaa 42 dabaq, ayaa hada noqonaya 52 dabaq. Waxaa xusuus mudan in maamulka magaalada Addis Ababa uu dhawaan sheegay in sharciyada jooga dhismayaasha kor loogu dhigay ilaa iyo 55 dabaq. Hore dhismaha jooga guryaha dabaqa ah ee Addis Ababa ayaa loo ogolaa 20 dabaq.

Sharciga ayaa dib loo eegay, iyada oo xiisaabta lagu daray arimaha ay ka midka yihiin; qaabka dabeecada, qaabka horumarka dhismaha, arimaha nabad galiyada la xidhiidha iyo ilaalinta meelaha taariikhiga ah.

Dalka Ethiopia oo dhaqaalihiisu si xawliya ku socdo, ayaa wada mashaariic ay hawshoodu u baahan tahay in ay qabtaan shirkado shisheeye, kuwaas oo tan wayn aqoonta iyo itaal lacageedba shirkadaha Ethiopia.

Dhawaan ayey ahayd kolkii ay u tartameen 9 shirkadood oo shisheeye dhismaha warshada bir shubida Ethiopia oo dhismaheedu dhawaan bilaaban doono.


rasaasa.com