Baadhid Lagu Beegsanayo Somalida oo ka Bilaabmay Addis Ababa

 

Ethiopian PoliceJijiga, June 5, 2014 – Wararka ka imanay Addis Abab, waxay sheegayaan in xalay Addis Ababa lagu xidh xidhay dad badan oo Somali ah, oo qaarkood haysto dhalasho reer Galbeed.

Xadhiga dadkan ayaa timid, ka dib kolkii habeenkii xalay baadhitaan aan laga warhayn ciidanka Booliska Federalku ka sameeyey xaafadaha Somalidu degan tahay ee Bole Makaahiil iyo Kiilo Arad.

Lama sheegin tirada dadka Somalida ah ee la xidhay, laakiin dadku waxay sheegayaan in dad badan ay xidhan yihiin, lamana ogo in la soo dayn doono iyo xadhiga lagu sii hayn doono.

Atobiya ayaa aad uga walaacsan digniinta ay dhawaan soo saartay dawlada Maraykanku. Taas oo ay maalmo ka hor u dirtay dadkeeda jooga Atobiya, gaar ahaan magaalada Addis Ababa.

TV-ga Atobiya ayaa habeen hore sheegay in la qabtay ruux Bombooyin isku soo xidhay, oo doonayey in uu isqarxiyo. Booliska ayaa baadhid ku cadeeyey in ruuxa isqarxinayey uu ahaa Somali.

Baadhitaanka xalay ka bilowday Addis Ababa, ayaa ku salaysan dagaalada ka dhacaya gabalka Bakool iyo digiinta Maraykanku diray.

Dadka Somalida ayaa aad uga walaacsan xaaladan qabqabashada ah ee ka bilaabatay Addis Ababa, iyada oo ay dhibaatooyin ku haystaan Kenya dadka Somalida ah.