Awdal State oo Sanka ku Wadata Somaliland

 

Toronto, December 20, 2011 [ras] – Xafladii balaadhan oo lagu soo dhawaynayo madaxda maamul gabaleedka Somaliyeed Awdal State ayaa ka dhacay magaalada Toronto, Canada.

Maamulka cusub ee Awdal State ayaa ku socda hanaan xawli ah oo ay aqooni ku dheehan tahay, waxaana la filayaa in uu noqdo midka ugu mudan maamul gabaleedyada Somaliyeed.

Dadweynaha Somaliyeed ayaa kalgacal xoog leh u qaba maamulka cusub ee Awdal State, taas oo keentay in ayna Somali u kala hadhin xafladihii London iyo Toronto.

Dadweynaha Somaliyeed ayaa aad uga door bidaya maamul gabaleedka Awdal State kan maamulka Somaliland oo isagu ka da,a weyn sababtuna waa labada afkaarood ee ay kala wataan.

Sida ay wararku sheegayaan wakiilo ka socda maamulka Awdal State, ayaa ka qayb galaya kulanka Garawe ee dib u heshiisiinta Somaliyeed.

Madaxda Awdal State ayaa dhawaan tagi doono marti qaadyo ay ka heleen Ethiopia, Jabuuti, Kenya iyo Dawlada meel ku gaadhka ah ee Somaliya.

Waxaa kale oo ay ka qayb gali doonaan shirka London ee loo qaban doono dhamaan maamul gabaleedyada Somaliya bisha February 2012.

Waxaa la sheegayaa in ay heli doonaan qaybta ay ku leeyihiin maamul qaybsiga Somaliya ee August 2012 dhici doona.

Maamulka Somaliland oo hore ugu hanjabay in ay xabsi ku guri doonaan masuuliyiinta Awdal State iyo dadka taageeraba ayeyna suurto gal u ahayn in ay wax talaabo ah qaadaan. Maamulka Somaliland ayaa ku khasban in uu  wajiga gacmaha saarto isaga oo arkaya calanka Awdal State oo saaran magaalooyinka uu maamulku u isir sheegto.

Wariye Xasan Good

rasaasa.com