August 15, 1984, Aas Aaskii Jabhada Wadaniga Xoraynta Ogadeeniya [Jwxo]

 

OgadenAugust 15, 2014, Maanta waxay ku beegan tahay soddon guuradii aas aaska Jabhada wadaniga Xoraynta Ogadeeniya [Jwxo], oo la aas aasay August 15, 1984, taas oo xuskeedu ka dhacayo maanta meelo badan oo dunida ah.

Soddon sano ka hore mahadi ha ka gaadhee waxaa magaca  [JWXO] sameeyey dhalinyaro wadaniyiin reer Ogadeeniya, kuwaas oo ka jawaabayey dareenka shacabka Somalida Ogadeeniya, xili uu gabaabsi galay halganka qori isu-dgiibka ah ee xoriynta Ogadeeniya.

Qadyada gumaysi difaaca Soomaalidu wuxuu bilawday qarnigii 15aad, kolkaas oo ay Abbysinia [Atoobiya] bilowday dhulbalaadhsi. Xiligaasi wixii ka dambeeyey waxaa ka dhaxeeya dadka Somalida iyo Abbysinia [Atoobiya] dagaalo ku salaysan qabsasho iyo iska difaac.

Gumaystayaashii reer Yurub ee qabsaday Afrika, waxay qaarada kaga tageen qulub xuduuddeed iyo magac bixino caalami noqday.

Dadka Somalida waa qoys leh hal af, hal dhaqan iyo hal diin [hilbo wada dhashiyo hayb qudhaynu nahay] degana dhulka ugu wanaagsan geeska Afrika bad iyo bariba. Burbur ka laggag horjeedo wanaagaas gumaystayaashii reer Yurub waxay nacwad ay u qabeen u qaybiyeen dhulka iyo dadka Soomaaliyeed shan qaybood, oo qayb walba la siiyey dal.

Labo ka mid ah shanta qaybood ee Soomaalida loo qaybiyey, ayaa dib u midoobay ka dib kolkii ay qaateen xornimo sanadkii 1960.

Jamhuuriyadii Soomaaliya waxay gashay dadaal dheer sidii ay dib ugu soo celin lahayd qaybaha Soomaaliyeed ee maqan, waxaana sanadkii 1977 xornimo ciilan qaatay Jabuuti oo Canfar  wehiliso, waxaana adkaatay in ay ku biirto Soomaali maadaama uu dalku kala dhaxeeyo qoomiyad kale.

Ogadeeniya, oo ah qaybta ugu balaadhan uguna muhiimsan dhulka Soomaalida waxay reer Yurub gacanta u galiyeen Atoobiya sanadkii 1897. Waxaana ka dhacay Ogadeeniya dagaalada ugu taariikhda dheer uguna adag dunida ee la xusuusto, dagaaladaas oo abuuray in 80% dadka Soomaalida Ogadeeniya ay qaxooti ku noqdaan dalalka dariska iyo dunida inteeda kale.

In kasta oo halgan dheer oo xornimo doon ah loo soo galay dalka Ogadeeniya, hadana halganka ugu taariikhisan uguna muhiimsan ee ay galaan shacabka Soomaalida Ogadeeniya waa midka ay hormuudka ka tahay Jwxo.

Magaca Jwxo oo ka kooban yahay afar xaraf oo ku dhisan afar qodob oo astaan u ah halganka gobonimo doonka ee ay Jwxo wado, kuwaas oo ah; isku tashi [Jabhad], midnimo[wadani], mintid [xorayn], Ogadeeniya [guul iyo gobonimo] [IMMO].

1604572_833680826651295_7143569137118649981_nJWXO, waxay gaadhsiisay halganka gobonimo doonka ee ay horseedka ka tahay heer caalami ah, waxayna baday gumaysiga Atoobiya xanuun iyo in uu ku ladi waayo gayiga Soomaalida Ogadeeniya. Atoobiya waxay qaadatay xigmadii Cabsida ee ahayd Aabow ninka yar iga celi kan wayn anigaa iska celine.

Sodonka sano ee ay jirtay JWXO waxaa ka hor yimid dhibaatooyin xoog leh oo kaga imanayay cadowga la yaqaan iyo midka aan la aqoon, kuligoodna way ka adkaatay.

Cadowga la yaqaan ee ay Jwxo ka adkaatay waa Atoobiya, laakiin cadowga aan la aqoon ee ay dhibaatada kala kulantay Jwxo wuxuu ka kooban yahay shacabka Soomaalida Ogadeeniya oo ay Atoobiya u adeegsato Jwxo iyo dalalka dariska oo ay adeegsato Atoobiya.

Xirfad kasta oo ay adeegsato Atoobiya iyo cid kasta oo u adeegta waxaa adag in ay ka guulaysato Jwxo oo waxa ay u dagaalamaysaa yahay dadkeeda iyo dalkeeda, kuwaas oo ku jira cidhiidh iyo cabsi, xadhig iyo xanuun badan oo ay ku hayso Atoobiya.

Shaki kuma jiro in jwxo ka adkaatay gumaysiga Atoobiya, laakiin waxaan wali dhamaan qorshihii dheeraa ee reer galbeedku ka lahaayeen shan u qaybintii Soomaaliyeed. Waxaana maanta socota in Soomaali noqoto sagaal maamul oo aan isu miciimi karin oo todobo ka mid ah ay Atoobiya si dadban u maamusho, meesha ay Ogadeeniya u isticmaali rabto qawsaarka ilaaliya todobada maamul ee kale.

JWXO, go,aankeeda xornimo doon ma aha mid ku xidhan dagaal ay wado sanooyin, mana aha mid ku xidhan maamul iyo dhaqaale ay Atoobiya bixiso, laakiin waa xoriyad taam ah iyo aaya ka tashi uu helo shacabka Soomaalida Ogadeeniya.