Atobiya oo Xidhay Xafiiskii Socdaalka ee Togwajaale

 

EthiopiaTogwajaale, June 10, 2014 – Dawlada dhexe ee Atobiya ayaa xidhay xafiiskii socdaalka ee magaalada Togwajaale, halkaas oo ay ku xayiran yihiin dad badan oo ka yimid dhinaca maamulka Somaliland.

Xidhida xafiiska, ayaa kolkii hore lagu sheegay in shaqaalihii xafiisku tababar labo maalmooda u tageen magaalada Dire Dhaba. Laakiin, shalay ayaa la cadeeyey in la xidhay xafiiska socdaalka, iyada oo sababta lagu sheegay arimo la xidhiidha dhinaca amaanka.
Xafiiska socdaalka Togwajaale, ayaa xidhnaa saddexdii maalmood ee ugu dambeeyey, sida uu soo sheegay wariyaha Rasaasa News u jooga magaalada Togwajaale.

Warku wuxuu intaas ku daray in ay dad aad u badan ay ku xayiran yihiin magaalada, dadkaas oo wata Fiisooyin doonayey in ay soo galaan Atobiya. Dadkan ku xayiran Togwajaale ayaa warqada dal ku galka ka soo qaatay Qusuliyada Atobiya ee Hargeysa.

Dawladu waxay joojisay socdaalkii dhinaca dhulka, iyada oo laga cabsi qabo in ay soo galaan kooxo qaraxyo ka gaysta gudaha Atobiya.

Maraykanka ayaa digniino isdabo jooga u diray Atobiya, waxaana la qabtay todobaadkii tagay 25 ruux, oo lagu sheegay in ay ka tirsan yihiin Al shabaab.