Ardo Cilmi: Waa Qiso Dhab ah oo ku Saabsan Guur

 

Waxaanu maanta jeclaysanay in aan qooraansano qiso dhab oo ku saabsan dhaqanka qaaliga ah ee Somalida, gaar ahaana arimaha guurka, oo aan ugu talo galay in aad kaga nasataan maalmaha nasashada mixnada siyaasada iyo calool ololkeeda, taas oo hadii aan badsano keeni karta xanuun khatar galin kara habsamida macaanka nolosha.

Qormadan waxaanu ku soo qaadanaynaa arin qiiro murugo mudan oo dhab ah kuna dhacday gabadh la odhan jiray Ardo Cilmi Faarax, hilaadihii sanadkii 1933, ku noolayd degaanka loo yiqiin Lehelow [ Lehelow waa dhulka u dhaxeeya isku darka labada tog; jarar iyo faafan ilaa laga gaadhayo meesha uu ku Daaco togu oo ah banka Qoraxeey].

Dhaqankii hore ee Somalida, waxay ahayd arin naadir ah in gabadh intay nin la sheekaysato deedna uu dhexmaro jacayl keena guur, waxaase caadi ahayd in gabadha reerkoodu ay u dooraan nin dhaqashadeeda lagu aamin karo, daryeelka, kalgacalka iyo u jajabnaanta gabadha ee ninka reerkoodu siinayo ma ahayn arin mudnaan leh, waxaa mudnaan lahayd xoolaha uu ninkaasi leeyahay ama badnaanta tirada uu gabadha ka bixinayo. Badanaaba reerka dhala gabadh dhaban leh lama odhan jirin waa caydh si kasta oo ayna xoolo u haysanin, waxaana mudo gaaban xeradooda buux dhaafin jiray xoolo badan oo leh adhi iyo iskinba.

Aan u noqdo mutuhda sheekada iyo amuurtii Ardo Cilmi Faarax haleeshay, Ardo waxay ahayd curada qoys dhawr caruur ah leh oo agoon ah, xoolo badana aan lahayn, Ardo iyo walaalaheed ma lahayn Adeer u buuxiya booskii Aabenimo. Ardo qoyskoodu waxay ku tiirsanaayeen tol guud, kolka ay reeruhu guuraana xoolaha waa loo oodi jiray, ceelka biyahana xoolaha waa looga waraabin jiray, cawska iyo hawsha inteeda kalena Ardo iyo hooyadeed ayaa u ugu filaan jiray qoyska noloshiisa.

Ardo waxay ahayd geenyo da,a yar aadna u dhaban badan oo ninkasta oo xoola haystaa uu sheeda ka shintirsanayey, goorta ay calaamadaha haweenka heli doonto iyo in aan looga horayn. Ardo waxay gu,gan uun gosay dhoorkii oo ay timaha isla ekaysiisay, si ay ugu diyaar garowdo tidcashada timaha ee dhamaadka xagaaga [saddex bilood ka dib] oo macnaheedu yahay waxaa u soo baxay naas gabdheed kaas oo yimaada ka hor inta ayna gabadhu dhadigaanin.

Dharaartii ay goysay timaha Ardo muddo gaaban ka diba, waxaa isa soo dhigay mid  ka mid ah ragii sheeda ka dhawranayey ee ka shintirinayey goorta ay haween noqon doontaa Ardo. Aqoon kama dhaxayso Ardo iyo raga faraha badan ee ka shintirinayey, rabitaana haba sheegin, laakiin waxa kaliya ee uu wada hadal ka dhaxeeyo waa odayaasha labada dhinac ee reerka ay gabadha iyo wiilku ka soo kala jeedaan.

Ardo Cilmi, waxaa u soo geed fadhiistay nin isaga laftigiisu reer Lehelow ahaa, oo xoolo Eebahay ku manaystay aadna uga da,a weyn, waxaana ay odayaashii labada beelood xaajo ku gaadheen in la xidido, bal meher ha joogtee waxaa lagu baaramay bixinta Ardo. Ardo wax kasta oo ay gooyaan odayaasha reerkoodu way ku gawracan tahay, kolbana wixii loogu taliyo ayey yeeli, qalbigeedase Eebaha weyn umbaa ogg, yaa Ikhtiyaar siiya ay Ardo ku hadli karto.

Sidii uu dhaqanku ahaa waxaa la gaadhay xiligii lagu baaramay, waxaana bilaabatay bixintii Ardo, gabaati baa la kala qaatay, yaradkii hordhaca ahaana dirba waa xigay, waxaana xeradii reer Cilmi buux dhaafiyey haleelo iyo kormo kurusyo waaweyn, waxaa kale oo iyana xeryaha soo buux dhaafiyey xoolo sodoheed waa adhi.

Muddo sano ka yar ayaa waxaa xerada reer cilmi galay laggaga samri karo Ardo dhabankeeda, waxaana dul fuulay reerka ay Ardo ka soo jeedo, hada wixii ka dambeeya la hantisiiyo reerkii yaradka lahaa meher ay kaga samraan xoolihii ay bixiyeen. Waxaa dib loo dhigtay dhismo iyo aqal gal inta laga diyaarinayo aqalkii lagu qurxin lahaa Ardo oo aan wali dhamaystirnayn, muddadaasi waxay ku xidhan tahay kolba sida ay u diyaar garoobaan qoyska Ardo iyo waliba xoolaha dedejinta ah ee ka yimaada reerka ay udhaxayso Ardo.

Ardo waa dhalinyaro waxayna ka qaybqaadataa ciyaaraha cawaysinka ee ay dhalinyaradu isku maaweeliyaan fiidadowgii. Dhalinyaradii ay isku da,ada ahaayeen ee wiilasha ahaa qaarkood, ayaa waxay u boggi waayeen meesha ay gashay Ardo, iyaga oo jeclaan lahaa in ay Ardo guursato reer geel badan leh, meesha reerka Ardo guursanaya ay duunyadoodu tahay lo,o. Mid ka mid ah dhalinyaradii ay isku filka ahaayeen Ardo ayaa afarey qardoofe ah ka yidhi ciyaartii ay dhalinyaradu tumanaysay oo yidhi;

Qudhac dhawr qaniinkiyo fadhida qaranka hoostiisa,
Oon qaali doogliyo degayn ilaha qoortooda,
Oon qaawo geel kuu lisayn qamacda jilaalka,
In aad ubad u qaadaayi waa kuu quluub li,iye,
Qoortaada haw lulin Ardoy Qaawo nimaan haysan,

Tuducdani waxay ka mid ahayd, gabay aan dheerayn oo uu tiriyey nin lagu magacaabi jiray In Cali Daroor, Ardana ay ilmo adeer ahaayeen iskuna da,a ahaayeen, kuwaasi oo waabay sun ah ku noqday Ardo, kalifayna in ay indhaha u furaan rabid la,aanteedii aan cidiba weydiinin keenayna in dhibaato xun oo lafaheeda ah ay mudato Ardo….

Mar kale ayaanu idiin soo gudbin doonaa qayb kale oo sheekadan ah iyo wixii dhacay
W/Q.  H Magan

Arimaha Dhaqanka
rasaas.com

rasaas baa runta sheegee rafiiqaaga ka yeelo