Arday Maxaabiis ah oo ka Qalin Jabiyey Jaamacada Jijiga

 

Waxaa Jaamacada Jijiga ka qalinjabiyey arday ku jirta Jeelka Jijiga.  Ardayda ayaa waxay u xidhan yihiin in ay la shaqayn jitreen jabhada ONLF oo iyadu dagaal kula jirtay dawlada Itobiya mudo 16 sano ah. Dhawrkii sano ee ugu dambaysay waxaa xabsiyada magaalada Jijiga buux dhaafiyey dad maxaabiis ah oo isugu jira nooc walba oo bulshada qaybaheeda ah.

Dhagayso ardayda:
[mp3player width=200 height=20 config=fmp_jw_widget_config.xml file=http://rasaasa.com/jaamacadajijiga.mp3]

Waxaa dhawaan uu heshiis buuxa dhex maray dawlada Itobiya iyo ururka Somali Galbeed, waxaa kale oo ay wadahadalo nabadeed u socdaan dawlada iyo ururka ONLF.

Waxaana ka mid ahaa qodobada ugu hereeya ee wadahadalada nabada ee u dhaxeeya dawlada iyo ONLF in ooda laga qaado dhamaan maxaabiista u xidhan dhinaca siyaasada, inta ay wadahadaladu socdaan. Dawlada Itobiyana arintaas si buuxda ayey u aqbashay, waxaana la sugayaa xiliyada fooda inagu soo haya in ay dhaqan galaan heshiisyada u dhaxeeya ururka ONLF iyo dawlada Itobiya.

Waxaana la filayaa in ay heshiiskan ka faa,iidi doonaan dad badan oo xabsiyada ku jira oo ay ka mid yihiin, dhalinyaradan ka qalin jabiyey jaamacada Jijiga.

Waxaana amaan mudan masuuliyiinta Ismaamulka Somalida ee fursada siiyey in dhalinyradu dhamaystaan waxbarashadooda.

rasaas.com