Afar Maraykana oo Lagu Dilay Dalka Somaliya

 

Afar Mareykan ah oo la socday doon ay qabsadeen budhcad badeed Somaliyeed, ayaa la dilay, ka dib kolkii ay diideen in ay raacaan amarka budhcad badeeda.

Jimcihii ayaa afarta ruux la afduubay, ka dib kolkii markab kuwa dagaalka ah oo Maraykanku lee yahay oo daba socday doonta uu hakaday, ayey budhcad badeeda Somaliyeed oo iyaga laftigoodu ilaashanayey ay si deg deg ah gacanta ugu dhigeen doontaas.

Saraakiil ka tirsan difaaca Mareykanka ayaa waxay sheegeen in ay ka jawaabeen rasaas ka dhacday doonta la afduubay dusheeda.

Laakiin kolkii ay doonta fuuleen waxay u tageen afartii Mareykanka ahaa ee la afduubay oo meyd ah oo rasaas lagu dilay.

Waxay saraakiisha Maraykanku sheegeen in laba ka mid ah burcad badeeddii Somalida Somaliyeed ee doonta afduubay in la dilay 13 ka mid ahna la qabtay.

rasaasa.com